” Sh. Umal Shalay wuxuu nagu xakumay Riddo haddana Kismaayo oo Itoobiyaan heysto ayuu ….” sidaas waxaa yiri.

Kismaayo (Caasimadda Online) – Col. Aadan Rufle oo kamid ah saraakiisha dowladda federalka ah ee Gedo ayaa sheegay in bulshada ku dhaqan magaalooyinka ay joogaan ay yihiin kuwa qaba dhibaatooyin badan.

Ciidamada Itoobiya iyo Kuwa Kenya ayuu ku eedeeyay iney hab gumeysi ah ula dhaqmaan bulshada isagoo tusaale usoo qaatay qof haweeney ah oo ay ciidamada Kenya ka hor istaageen in isbital la geeyo si ay u dhasho kadibna dhimatay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada Kenya wadaan iney ku dhul ballaarsanaan degmada Beledxaawo, si lamid ahna wuxuu ku eedeeyay iney gubeen xarumaha shirkadaha isgaarsiinta qaarkood.

Wuxuu qaadacay shirka amniga looga hadlayo ee magaalada Kismaayo isagoo Axmad Madoobe ku eedeeyay kaligi talisnimo iyo falalka tarxiilka ah ee uu kula koco dadka uusan rabin ama ka aragtida duwan.

Mar wax laga weydiiyay booqashadii ay wadaada Ictisaam ku tageen magaalada Kismaayo ayuu sheegay inuu aad uga xun yahay in rag uu ku sheegay inay wadaadnimo sheeganaya ay booqdaan magaalo aan xor ahayn oo ku jirta gacanta ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya sida uu hadalka u dhigay.

“Sheekh Bashiir anigu nimaan aqaano ma ahan laakin Sheekh Umal iyo qolada la fatwoota waxaan u aqaanaa culimada cadiifadda qabiilkooda u fatwoota” ayuu yiri Rufle, isagoo ku eedeeyay in 2008 uu ciidamadii amxaaro kalkaalka ee Kismaayo laga saaray ku xukumay Rido, haddana uu isagii Kismaayo ka dhisanayo guryo uu ku sheegay sharci darro xilli waliba ay magaalada joogaan ciidamo Itoobiyaan iyo kuwa Kenyaati ah.

Sheekh Umal ayaa dhawaan dhagax dhigay dhul uu muran ka taagan yahay oo ku yaalla magaalada Kismaayo, dhulkaasoo sida uu sheegay uu ka iibsaday dadkii gacanta ku hayay waagii dowladda iyo burburkeedii kadib.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com