Akhriso Qisada Maxamed C/raxmaan: Tahriibe Soomaali ah oo saddex jeer lagu kala iibsaday Dalka Liibiya

Muqdisho (Caasimadda Online) _ Maxamed C/raxmaan Maxamuud waxa uu ka mid yahay tahriibayaal Soomaalida oo dhawaan laga soo daayey xabsiyada Liibiya oo Muqdisho lagu soo celiyay.

Wuxuu ka warramay qisada xanuunka badan ee wixii soo marau oo rafaad iyo dhibaato ah intii uu ku sugnaa dalka Liibiya. Maxamed ayaa sheegay in afar jeer lagu kala iibsaday gudaha dalka Liibiya isagoo adoon ah oo marba ay koox heysatay.

“Afarta jeer ee la i gatay qiimo kala duwan ayaa la igu iibsaday, mar waxaa la iga bixiyay $5,500, mar la iga bixiyay $6,250 iyo mar $4000 la igu iibsaday” ayuu yiri Maxamed oo ka sheekeeyay xaaladii xanuunka badneyd ee ku soo martay Liibiya.

Tahriibayasha ayaa doonaya in ay Liibiya uga sii gudbaan dalalka Yurub. Liibiya ayaa waxaa muddooyiinkii ugu dambeeyay ka jiray addoonsi la sheegay in lagula kaco muhaajiriinta gaar ahaan kuwa Afrikaanka ah, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka adduunka ee IOM.

Dalka Liibiya waxaa ku xiran ama tahriib sugayaal ah boqolaal Soomaali ah oo doonaya in ay dalkaasi uga sii gudbaan dhanka Taliyaaniga. Dadkan xiran waxay isugu jiraa kuwa xabsiyada dowlada Liibiya ku jira iyo kuwo gacanta ugu jira maleeshiyaad aan cidna ka amar qaadan.

Maxamed ayaa xusay in ciqaab kala duwan la marsiiyo tahriibayaasha la afduubtay. “Ciqaantu way kala duwan tahay. Mararka qaar cunnada ayaa lagaa jarayaa, Usha ayaa laguugu badinayaa, halka meelaha qaarna biyo qabow lagugu rusheynaa” ayuu intaa ku daray Maxamed.

Baxsashadii Maxamed

Maxamed C/raxmaan Maxamuud ayaa sheegay inuu kooxdii u dambeysay ee afduubka u haysatay uu si lama filan ah uga soo baxsaday. “Markii salad subax la tukaday intaan iska dhigay wax suulida aadaya ayaan aayar albaabka iska furay dabeedna gidaar dheer ayaan ka booday” ayuu yiri Maxamed.

Maxamed ayaa sheegay in markii uu gidaarka ka booday uu suuxsanaa muddo 20 daqiiqo ah balse waxaasi oo dhan ay uga darnaayeen in dib ugu laabto gacanta kooxdii haysatay.

“Markii dambe waxaan is iri xanuunkan lagaaga daran, aniga oo si daciifnimo ah ku kacaya oo gidaarada cuskanaya ayaan is iri sidan haddii laguugu soo gaaro xaaladaada way cuslaanaysaa”ayuu yiri

Ka dib markii uu sii lugayanay muddo laba saaca ah ayuu gaaray magaalo yar halkaa oo uu masaajid ku yaalla ku noolaa muddo lix bari ah.

Waxaa dabadeedna u suuragashay inuu Tripoli gaara halkaasi oo uu la xiriiray safaarada Soomaaliya oo uu u sheegay in uu doonayo in uu dib ugu laabto Soomaaliya.

Waxa uu sheegay inuusan mar dambe tahriib ku laaban doonin, balse uu rajeynaya inuu fursado shaqo ka hela dalkiisa, dibna ugu laabto waxbarashadii uu markii hore ka tagay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com