Al-Shabaab oo baahiyey muuqaalka ninkii toogtay saraakiisha Imaaraadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay markii ugu horreysay baahisay muuqaal ay horay uga duubeen ninkii weerarka toogashada ah ka fuliyey xerada tababarrada ciidamada xoogga dalka ee Jeneraal Goordan oo ku taalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online, waxay habeen hore baahisay xog lagu ogaaday baaritaanka la sameeyey oo xaqiijineysa in Shabaab ay ninkaas ku soo dhex-darsadeen ciidamo ay Imaaraadku u tababarayeen dowladda Soomaaliya.

Muuqaalkan oo xalay Shabaab-ku baahiyeen ayaa ninkaan laga duubay intii uu joogay dhulka ay kooxdu maamusho, wuxuuna ku shaacinayaa inuu si daran ula dagaalami doono dowladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamka.

Ninkaas oo kooxdu magaciisa ay ku sheegtay Mustafa, wuxuu ka mid ahaa ciidan dhawaan tababar loogu soo xiray xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho, wuxuuna nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo dhowr iyo toban askari oo hubkooda loogu qeybiyey si hor-dhac ah, loona xil-saaray inay waardiyeeyaan xerada.

Nasiib darro wuxuu fursadii la siiyey uga faa’iideystay inuu dhagar u qorsheeyo dowladii tababartay, hubka siisay, mushaarkana u qortay, wuxuuna muddo raadinayey fursad uu ku toogto madaxda sare ee dowladda, balse uma suurtagelin.

Saraakiishii ugu sareysay howlgalka Imaaraadka ee koonfurta Soomaaliya ayuu  galabtii dambe fursad ku helay, iyagoo dalka jooga wax ka yar 48 saacadood, kana yimid magaalada ayey soo galeen xerada, waxayna toos u aadeen masjidka, maadaama lagu jiray salaadii maqribka, wuxuuna ku dhex toogtay masaajidka, iyagoo salaadii ku jira.

Muuqaalka laga duubay intii uu la joogay Al-Shabaab ee caawa la sii daayey kuma uusan shaacin halka uu weerari doono, balse wuxuu ugu goodinayaa dowladda Soomaaliya iyo intii la shaqeysa, waxaana hadalladiisa laga dareemayaa xagjirnimo weyn.

Ninkaan waxaa la ogaaday inuu ka dhashay beesha Hadamo oo degta gobolka Bakool, waxaa laga soo qoray degmada Xudur, waxaana dowladda ka damiintay si tababarka loogu daro xildhibaankiisa, weli waxay dowladdu wadaa baaritaanka kiiskaas culus ee dhakafaarka ku noqday Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Horay waxaa loo soo bandhigay oo bulshada la tusay sawirka laga qaaday intii uu tababarka ku jiray askariga toogashada fuliyey, waxaana is lahaaday muuqaalka ay Shabaab ka duubeen ninkaas intii uu la joogay iyo sawirkii horay loo baahiyey ee laga qaaday intii uu tababarku uga socday Xero Goordan.