Shabaab oo qarax ku dilay 12 qof oo isku qoys ahaa

Golweyn (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Shabeellada Hoose waxay sheegayaan in qarax lagu dilay 12-qof oo isku qoys ahaa, halka ugu yaraan sideed kalena ay ku dhaawacmeen.

Qarax oo loo adeegsaday miino dhulka lagu aasay ayaa gaari ay dadkaas la socdeen ku haleelay duleedka deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa Idaacada Ciidamada Qalabka Sida u sheegay in dagaalamayaasha Al-Shabaab ay qaraxaas ku aaseen wadada, isla markaan uu halelay gari ay ku safrayeen dadkan rayidka ah.

Saraakiishu waxay xaqiijiyeen geerida 12 qofood iyo dhaawac sideed kale, waxayna dadkaas la socdeen hal gaari, kaas oo gabi ahaanba burburay.

Magaalada Golweyn oo duleedkeeda uu qaraxaasi ka dhacay waxay magaalada Marka u jirtaa qiyaastii 30-KM, waxaana goobta dadkaas lagu qarxiyey gaaray ciidamada dowladda Soomaaliya, iyagoo halkaas ka qaaday meydadka iyo dhaawacyada dadkii la socday gaariga.