Jubaland oo ka jawaabtay diidmada DF Soomaaliya ee guddigooda doorashada

Kismaayo (Caasimadda Online) – Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay diidmo kasoo yeertay dowladda dhexe oo ku aadan guddiyadii doorashada oo ay magacaabeen, waxeyna sheegeen in diidmadaas ay salka ku heyso muddo kororsi ay damacsan yahiin kooxda Villa Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Cabdi Xuseen Sheikh Maxamed oo la hadlayay idaacadda BBC-da qeybteeda afka Soomaaliga ah ayaa sheegay in diidmadaas ay ka mid tahay xujooyinka iyo caqabadaha hortaagan in la qabto doorasho xalaal ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay ineysan wali soo gaarin liis rasmi ah oo muujinaya guddiyada doorashooyinka oo ay warbaahinta uga dhawaaqeen maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay in guddiyada doorashada ee ay magacaabeen Jubbaland iyo Puntland aan la marsiin hanaankii sharciga ahaa, sidaas darteed aysan noqon karin magacaabis sharci ah.

Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Jubbaland wuxuu soo dhaweeyay shirka uu madaxweyne Farmaajo ku baaqay ee ka dhacaya Dhuusamareeb, balse wuxuu diiday in ajandaha shirkaas lagu dari doono 13-ka kursi ee gobolka Banaadir.

Wuxuu ku sifeeyay in ajandahaas uusan ku jirin shirkii hore oo ay saxiixeen madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe.