Shabaab oo shaacisay inay Xamas ka dhinac dagaalami…

Muqdisho (Caasimada Online) – Bayaan kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa looga hadlay weerarkii xooganaa ee todobaadkan Xamaas ay ku qaaday Israel, kaas oo khasaare xoogleh uu kasoo gaaray ciidamada Israel, guulna ay ka gaareen Falastiiniyiinta.

Al-Shabaab ayaa si weyn u taageertay guusha Ururka Maxaas, ayada oo tilmaamtay inay fulisay weerar barakeysan oo lagu difaacayo dhulka Falastiin iyo Masjidka Al-Aqsa.

Bayaankan oo ku qornaa Afka Carabiga ayaa sidoo kale hambalyo loogu diray reer Falastiin, waxayna Al-Shabaab sheegtay in guushooda ay tahay mid usoo hoyotay Muslimiinta.

“Weerarkan waxa uu banaanka soo dhigay daciifnimada Israel, sidoo kale wuxuu caalamka tusay in laga adkaan karo oo ay been noqotay awoodii ay ku faani jirtay” ayaa lagu yiri Bayaanka.

Waxaa kale oo Al-Shabaab ay tilmaamtay in Muslimiinta oo dhan ay leeyihiin hal cadow oo u midoobay sidaas daraadeeda loo baahan in isagana meelo looga soo wada jeesto.

“Cadowgeena iyo cadowgaagu waa mid waxay isu uruursadeen inay ummadda Islaamka ka horyimaadaan, waxayna isu bahaysteen inay dhibaato u gaystaan ​​shucuubta Muslimiinta, bari, galbeed, Koonfur iyo Waqooyiba.” ayaa bayaanka ay soo saartay kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale kooxda ayaa intaasi ku dartay, haddii ay heli laheyd waddo ay u marto Falastiin inay ku biiri lahayd dagaalka, ayna ka barbar dagaalami lahaydXamaas, balse waxa ay tilmaamtay in ayadu ay ka dagaalameyso bariga Afrika, iyaguna ay ka dirirayaan Falastiin.

“Haddii aan waddo idiin heli lahayn, idinkama dib dhici lahayn inaan adiin imaano, laakiin waxaad ku halgamaysaan dhulka Falastiin, anagana waxaana ka dagaallamaynaa dhulka Bariga Afrika.” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

Horay Al-Shabaab ayaa u taageertay reer Falastiin oo muddo 50 sanno ay dhibaato ku hayaan ciidamada Israel oo xoog uga qabsaday dhul ballaaran.

Sanadkii 2019-kii markii Trump u aqoonsaday Qudus caasimada Israel, Al-Shabaab ayaa weerar arintaas uga jawaabayso ku qaaday Dusit Hotel oo Nairobi ku yaalla, saldhigyo Mareykanka ku leeyahay Manda Bay oo isla Kenya ka tirsan iyo Beledoogle sanadkii 2020.