Maamulka Shabeelle State iyo QM oo kulan xasaasi ah ku yeeshay MARKA

Marka (Caasimada Online) – Magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabeellaha Hoose, waxaa Arbacadii kulan saacado badan qaatay ku yeeshay saraakiil ka socda QM iyo madaxda maamulka Shabeelle State oo halkaas xarun ku leh.

Wasiirka maaliyadda Shabeelle State Cali Nuur Maxamed oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in saraakiisha ka socda hey’addaha QM ay kala hadleen siddii gargaar lala soo gaari lahaa dadka ku dhibaateesan qeybo ka mid ah gobalka Shabeellaha Hoose.

Wuxuu sheegay in saraakiisha ay la kulmeen ay ka kala socdeen hey’addaha WFP. WHO. UNICHEF, OCHA, iyo kuwa kale.

Mar uu ka hadlaayay cidda ay la kulmeen wuxuu sheegay in ay la kulmeen saraakiisha ka socday QM madaxweynaha maamulka Shabeelle State Abuukar Cismaan Mardaadi iyo qaar ka mid ah golaha wasiiradda maamulkaas iyo sidoo kale guddoomiyaha degmada Marka.

Wuxuu intaas hadalkiisa ku daray in ay ku rajo weyn yihiin gobalka in ay saldhigyo ka sameestaan hey’addaha QM si dib loogu soo celiyo adeeggii ay siin jireen dadka ku nool Shabeellaha Hoose oo kal horre isaga baxay halkaas.

Maamulka Shabeelle State oo weli aan helin aqoonsi dhinaca dowladda ayaa markii ugu horreeyay kulamo la qaatay wafdi ballaaran oo ka socda hey’addaha Qaramada Midoobay.

Gobalka Shabeellaha Hoose oo ah gobal hodan oo ay ku yaalaan beero waaweyn oo ay ka baxaan noocyada kala duwan ee khudaarta ayaa haddana dadkii lagu soo warramayaa in ay yihiin kuwa sabool ah oo u baahan gargaar.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com