“Shacabka Muqdisho laguma maamuli karo in hantidooda la boobo”

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somalia ayaa markii ugu horeysay ka hadlay wareegto maanta kasoo baxday Xafiiska Guddoomiyaha Gobolka Banaadir taa oo lagu mamnuucay Heshiiskii darjiinada iyo Beeraha ku yaalla Muqdisho.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, waxa uu sheegay in talaabada Guddoomiyaha Gobolka Yariisow ay horseedi karto sharci darro iyo inaan la aqoonsan warqadaha maamulba maamulka ka danbeeya.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur, waxa uu tilmaamay inaanu suuragal aheyn warqadaha isdaba jooga ah ee kasoo baxaaya maamulka Gobolka, kaa oo lagu caburinaayo dadka deegaanka ah.

Xildhibaanka ayaa qoraal kooban oo uu kusoo daabacay baraha bulshada ku sheegay in wax laga xumaado ay tahay in guddoomiye Yariisow uu shaaciyo in laga laabto dhul markii hore lasiiyey dad Shacab ah.

Xildhibaanka waxa uu sheegay inay muhiim tahay in mar waliba la aqoonsado warqadaha maamuladii hore, waxa uuna arrin aad u fool-xun ku sheegay in si sahlan lagu mamnuuco amar hore oo kasoo baxay dowladii lasoo dhaafay.

Waxa uu Xildhibaanku carab dhabay inay u muuqato in shacabka Muqdisho aan lagu maamuli karin in hantidooda lagu boobo sifo aan sharci aheyn sida uu hadalka u dhigay.

Nuqul kamid ah haddalka Xildhibaanka ayaa ahaa “Waxaa kale oo runti wax aad looga xumaada ah waxa kasoo yeeray Gud. Yariisow ee ahaa in uu kala noqoday dhul ku yaala Magaalada muqdisho dad shacab ah oo hore loosiiyay waxaana u sheegayaa gudoomiyaha goabalka in aan marna shacabka Soomaaliyeed lagu maamuli karin hantidoodana lagu boobi karin laguna baabi’in karin sifooyinka nuucaan ah oo sharci darada ah”.

Waxa uu qoraalkiisa intaa ku daray Xildhibaanka “Gobalka Banaadir waxa ka socda ma ahan bilic soo celin ee waa baab’in bulsho iyo mid dhaqaale mana ahan wax la aqbali karo, waxaana si dhow ula socday habdhaqanka dowlada dhexe iyo kan maamulka Gobalka banaadir ee uu hormuudka ka yahay Abdirahman Omar Osman (Eng Yariisow) ee ku aadan bulshada Gobalka Banaadir waxayna muujinayaan ficiladani fashilka hogaanka dalka oo gadaal kariixaya cuuryaaminta bulshada Degan Gobalka iyo Guddoonka ay usoo Magacaabeen oo kaliya in ay Danhooda gaarka ah oo kaliya u fuliyaan”,

Sidoo kale, Guddoomiyaha Gobolka ayuu ku sheegay mid aan aqoon fiican ka heysan nidaamka dowladeed, waxa uuna ku taliyay in wax laga bedelo warqadaha leyska soo daba saarayo.

Xildhibaanka ayaa wax kama jiraan ku sheegay warqadaha manta kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Yariisow, waxa uuna ku baaqay in shuruud la’aan laga laabto qoraalkaasi.

Dhinaca kale, waxa uu amarkaasi ku sheegay mid aan waxba dhaamin in muqdisho aysan ka socon wax la yiraahdo bilic soo celin balse ay ka socoto sidii loo baabi’in lahaa dadka Shacabka ah.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com