Mahad Salaad: Beelo gaar oo dega Xamar ayaa lagu baabi’in tallaabada Yariisow

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa si weyn uga hor yimid wareegto maamulka G/Banaadir ku laalay heshiisyadii lagu bixiyey Jardiinooyinka iyo Beerihii dowladda Hoose ee Muqdisho, isagoo jawaab culus u diray madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Soomaaliya kasoo gudubtay xiligii kacaameynta oo aysan habooneyn in loo soo jiidoa dib udhac iyo dowlad la’aan, wuxuuna is weydiiyay waxay ku kala duwan yihiin heshiisyadii ay saxiixeen Tarsan, Muungaab, Yuusuf Jimcaale iyo kuwa uu saxiixay Xasan Abshir ee dowladii Siyaad Barre.

“Waxaa is-weydiin mudan maxay ku kala duwanyihiin heshiisyada iyo wareegtooyinka la laalay ee ay saxiixeen Tarsan, Mungaab iyo Yusuf Jimcaale iyo kuwii Hassan Abshir ku bixiyay dhulalkii iyo Jardiinooyinkii Mogadishu ee daaraha dhaadheer ay ka dhisteen dad ay qaraabo ahaayeen xiligii Mohamed Siyaad Bare, daarahaas oo ka tilmaaman magaalada Mogadishu ilaa maantada aan joogno?!…” ayuu yiri Mahad Salaad

Wuxuu intaas ku daray: “Ujeedu haddii ay tahay hadalkii Madaxweyne Farmaajo ee ahaa dowlad aniga igama horeyn. Ama run ay tahay hadal heynta maalmahaan ka jirtay magaalada Mogadishu ee ah in uu jiro qorshe lagu baabi’inayo hantida qabaa’ilada reer Mogadishu qaarkood. Taasi micnaheedu waxay tahay dulmigii iyo takoorkii dadka lagu hayay ee burburiyay dowladnimadii Soomaaliya oo mar kale la rabo dalka in dib loogu celiyo!”

Wuxuu qoraalkiisa ku soo gabagabeeyay: “Waxaan rabaa inaan idiin sheego inshaa’allaah waad ku hungoobi doontaan sidii kuwii idinka horeeyayba ay ugu hungoobeen ee ha usoo jiidinina dib udhac iyo dowlad la’aan dadkiina iyo dalkiina..”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com