26.1 C
Mogadishu
Friday, January 23, 2026

Shacabka Muqdisho oo ka cabanaya R/W Kheyre, kana digay halis u iman karta

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka dagan magalaada Muqdishu ayaa waxa kasoo yeeraya cabashooyin ku aadan booqashooyinka Ra’isal wasaraha Somalia ku tago inta badan goobaha dadweynahu isugu yimaado madaama lagala kulmo ciidamo halkaas la soo dhoobo.

Ra’isal wasare Khayre oo siyaasada Somalia ku cusub ayaa tan iyo intii xilkaan loo doortey soo kordhiyey waji cusub isagoo inta badan jecel in  sawiro looga qaado booqaahooyinka uu ku bixiyo goobaha dadweynaha isugu yimaado

Sawirada laga qaado booqaahooyinkaan ayaa ah kuwo markiiba Baraha bulshada la soo dhigo taasoo dad badan soo dhoweeyaan halka kuwa kale ka muujiyaan saluug kuwasoo aaminsan in xukuumada looga baahan yahay shaqo culus oo ka duwan midda ku wajahan xiriirka dadweynaha (Public relation).

Ra’isal wasare Khayre ayaa habeenkii xalay booqasho aan horey loo shaacin  ku tagey Hotel Maka Al Mukarama halkasoo kula kulmay qaar ka tirsan dadweynihii u soo caweysimo tagey.

Inta ay socotey booqashada Ra’isal wasaraha ayaa waxaa gabi ahaan la joojiyey isu socodkii dadweynaha iyo Gadiidka ee Wadada Maka Al Mukarama iyadoo si Wadajir ah amni sugida wasiirka koowaad uga qayb qaadanayeen ciidamada amniga ee kala duwan ee dowlada Federaalka Somalia.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in goobtaas ku sugnaayeen saraakiisha ugu sareysa laamaha amniga gobolka iyo federaalka kuwasoo gabi ahaantood ku howlanaa amni sugida Ra’isal wasaraha.

Dadweynaha magaalo madaxda Somalia ayaa aaminsan in aan loo baahneyn amni sugid baaxadaas hadii aysan keenin baahi rasmiya oo dalka wax u tareysa.

Hotel Maka Al Mukarama ayaa inta badan waxaa isugu yimaada dadka naqdiya dowladda iyadoo la xusuusto waqtigii dowlada Xasan Shiikh in ay salshig u aheyd inta badan dadkii kasoo horjeedey maamulkiisa.

“Barlamanka dowlada Federaalka ayaa la filayaa Inuu furmo dhowaan, marka maadaama halkaas isugu yimaadaan dad badan oo xogogaal ah ayaa booqashada Khayre waxay u muuqatey mid xuuraansi ah” sidaas waxa yiri goob jooge ku sugnaa Maka Al mukarama.

Magalaada Muqdishu ayaa bishii Ramadan waxaa ka dhacey weeraro iyo dilal lala beegsadey Hotelo, saldhig Booliis, xarun degmo kuwasoo kuligood bixinayey sawir ah in amniga Magaalo madaxda uusan u wanagsaneyn hadii la eego sida Ra’isal wasaraha Somalia muujinayo.

Dowlada Federaalka ah weli kama soo saarin warbixn ku aadan faa’idooyinkii howlgalkii lagu xasilanayey amniga magaalo madaxda Somalia.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News