25.3 C
Mogadishu
Sunday, January 18, 2026

Shacabka Puntland oo la dagaal gelinayo iyo Gaas oo ku dhawaaqay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/weli Cali Gaas ayaa sheegay in caddow kusoo duuleen Puntland, wuxuuna ugu baaqay shacabka in si wadajir ah looga guuleysto caddowgaasi oo uusan carabaabin cidda ay yihiin.

Mr. Gaas ayaa hadalkaan ka jeediyay munaasabad lagu dhagax dhigayay seddax wado oo laami ah oo dhex marta magaaalada Garoowe, isagoona sheegay in aysan nabad iyo horumar heleyn inta uu caddow la degan yahay, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Horumar iyo deganaansho ma heleyno inta caddow caddow nala degan yahay oo dhibaato nagu wado, marka inta gacan ku wadno horumarkeena, kaabayaasheena dhaqaalaha, dhanna aan kula dagaalano caddowgaas nagu soo duulay, una naxariisin, si mug leh ayuuna nooga go’an yahay inane nimankaas la dagaalano” ayuu yiri madaxweynaha maamulka C/weli Gaas.

C/weli Gaas ayaa ugu baaqay shacabka Puntland in ay u midoobaan sidii ay caddowgooda ugu hortegi lahaayeen iyadoo gacmaha la is haysto.

Ugu danbeyntii Mr. Gaas ma uusan magac dhabin cidda uu ku sheegay caddowga la degan iyo kuwa kusoo duulay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News