Shacabka Xamar, Hargeysa iyo Garoowe oo 15 sano kadib laga farxiyay – Fallanqeyn

Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya shirkadaha isgaarsiinta ayaa fuliyay heshiis macaamiishooda isku wici karaan si jaban.

Shirkadaha isgaarsiintu isma wici karin, dadka jooga Soomaaliya ee haysta telefoonada waxay ku qasbanaayeen in qof walba uu la-macaamilo inta ay isku shirkada isticmaalaan ama laba shirkadood lambaro ka qaato, si mid walba inta sidata si gaar ah ula xiriiro.

Hadda mushkiladaas waa dhamaatay, hay’adda isgaarsiinta qaranka ee Soomaaliya ayaa ku guuleysatay bishii December ee sanadkii dhamaaday inay shirkadaha isgaarsiinta ka saxiixdo heshiiska is-wicida.

Waxaa saxiixay heshiiskaas shirkadaha Hormuud, Somtel, Amtel, SomLink, Golis iyo Telesom. Shalay ayaa si buuxda loo dhaqan-galiyay heshiiskaas.

Hadda waxaad awooda in adiga oo isticmaalaya Hormuud Telecom in aad wacdo Somtel. Khidmada wicida ee shirkadaha ku heshiiyeen waa 0.05 halkii daqiiqo.

Lacagaha hoose ee xirmooyinku kuma jiraan, kuwaas oo loogu tala-galay markii hore wicitaanka gudaha ee shirkada aad xirmada ka iibsatay.

2008 iyo 2014 ayaa sidan oo kale mar la iskugu furay shirkadaha isgaarsiinta, laakiin wax badan ma shaqeynin.

Caqabada ugu weyn xiligaas waxay aheyd lacagaha shirkadaha isku yeeshaan oo qaarkood aanay bixin jirin, taas oo gunaanadkii muran keeni jirtay.

Balse hadda waxaa la sameeyay nidaamkii lagu xalin lahaa oo waxa heshiiska dhanka maaliyada qeyb ka ah Bankiga Dhexe ee Soomaaliya.

Haddaba, maxay tahay faa’iidada dheeriga ah ee ku jirta heshiiskan shalay dhaqan-galay.

1. Macaamiisha haysata telefoonada waxa ka yaraaday culeyskii oo hadda uma baahnid adeegsiga dhowr simcard meel walba oo aad ka joogto dalka. Sida Muqdisho, Hargeysa ama Garoowe.

Lix bilood kadib waxaa heshiiskan lagu sameyn doonaa dib u eegis dhanka maaliyada ah, iyada oo hay’adda isgaarsiinta ee Soomaaliya ay rajeynayso in qiimaha intaan laga sii yareeyo.

2. Faa’iidada kale waa in uu isbedeli doono tartanka suuqa isgaarsiinta, kal hore maareeyaha hay’adda isgaarsiinta qaranka Mustaf Yaasiin Sheikh waxa uu sheegay in heshiiskan uu dhali doono caafimaad qabka suuqa isgaarsiinta Soomaaliya.

Hadda, maadama macaamiilka uu hal lambar ku filan yahay waxaa lagu tartamayaa tayo.

3. Dhaqan-gelinta heshiiskan ayaa abuuri doona fursado kale oo shirkadaha wax badan isku weydaarsan karaan. Shirkadaha qaar waxaa u abuurmi doona maadama hadda kadib ayna jirin simcard gaar ah oo qofka ku qabsan yahay in uu qaato.

4. Waxa kale oo sahlanaan doonta inay shirkado cusub yimaadan suuqa isgaarsiinta Soomaaliya, maadaama hadda tartanka u wareegay dhanka tayada, adeeg fulinta, amaanada iyo suuq-geynta casriga ah.

Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa soo dhaweysay dhaqan-gelinta heshiiska is-wicitaanka shirkadaha isgaarsiinta.

Maareeyaha hay’adda ayaa waxa uu sheegay in dhaqan-gelintan ay caawineyso dhaqaalaha guud ee dalka, si gaar ah dadka haysta telefoonada, ayna dhinaca kale abuureyso tartan caafimaad qaba oo xambaarsan hal-abuur iyo maalgashi.

Dad badan ayaa bogaadiyay tallaabadan lagu dhaqan-geliyay is-wicitaanka shirkadaha isgaarsiinta, maadaama ay hore bulshada uga wajahi jireen caqabado dhowr ah.