‘Shaki weyn oo ka dhashay’ hadalkii MAHDI GUULEED

Xilli doorashada madaxwaynanimada Soomaaliya ay foodda inagu soo hayso ayaa waxaa sii kululaanaya ololaha doorashada.

Musharaxiinta u tartamaysa xilka madaxwaynanimada dowladda fedraalka ee somaaliya ayaa ku sii qulqulaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaliya.

Waxaa dhanka kale uu wali muran xooggan ka taagan yahay guddiga doorashada ee uu dhawaan soo magacaabay rai’sul wasaare Rooble.

Muranka arrintan ayaa laga cabsi qabaa inay sababto dib u dhaca ku yimaadda doorashada Soomaaliya.

Qaar ka mid ah musharaxiinta u tartamaya xilka madaxwaynanimada ayaa dowladda ku dhaliilay in aysan doonayn qabashado doorasho xaq iyo xor ah.

Hadal uu 18 bishan jeediyay rai’sul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa shaki geliyay qaaa ka mid ah siyaasiinta.

Guuleed oo goob xaflad ah ka hadlayay ayaa waxaa uu xusay in doorashada wareegga kuwaad ay ku guuleysan doonaan sidii ka dhacday Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed.

“Madaxwayne Laftagareen wareegii kowaad ayuu ku soo baxay,Qoorqoor wareegii kowaad buu aqlabiyad ku soo baxay,mar sadaxaad waxaan ogeyn Cali Guudlaawe wareegii kowaad ayuu ku soo baxay marka waa xilligii wareega kowaad 2020 yaan loo deyma daraan,” ayuu yiri Guuleed.

Hadalka raisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa waxaa loo fasiray siyaabo kala duwan.

“Waa qish uu bixiyay”

Qaar ka mid ah musharaxiinta mdaxawyananimada doorashada 2020/21 ayaa waxay shaki ka muujiyeen arrintan, halka kuwa kalana ay sheegeen in wax ay tuhunsanaayeen uu banaanka u soo baxay.

Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo ah hogaamiyaha xisbiga Sahan islamarkana ka mid ah musharaxiinta u tartamaysa madaxwaynanimada oo ka jawaabayay hadalka rai’sul wasaara ku xigeenka ayaa sheegay in uu aad ugu mahadsan yahay in uu ku baraarujiyay waxyaabaha ay dowaladda hadda jirta ay damacsan tahay.

” Waxaa aad u mahadsan saaxibkey Mahdi oo aad saaxibo aan u nahay wuxuu shacabka Soomaaliyeed siiyay qish ku saabsan doorashada soo socota iyo sida ay u ekaanayso,”, ayuu Cabdikariim.

Waxaa uu intaa ku daray in mucaaradka ay waligood ogaayeen in doorashada soo socota la qorsheynayo in la “boobo, balse uu raii’sul wasaara ku xigeenka uu shacabka ku baraarujiyay sida ay doorashada u ekaana doonto.

” Shacabka Soomaaliyeed ayuu qishkaasi siiyay waana ku mahadsan yahay rai’sul wasaare ku xigeenka qishka uu bixiyay,” ayuu yiri.

Cabdi Kariin Xuseen Guuleed ayaa waxaa uu xusay in dowladda fedaraalka looga baahan yahay qabshada doorasho xaq iyo xor ah.

” Doorashadu waxay u baahan tahay kalsooni in lagu qabto,doorashadu waxay u baahan tahay isla-ogol,doorashada waxay u baahan tahay hufnaan intaas haddii aysan jirin doorasho ma hirgali karto,” ayuu yiri Cabdikariim.

Cabdi Kariin Xuseen Guuleed oo ah hogaamiyaha xisbiga Sahan islamarkana ka mid ah musharaxiina xilka madaxwaynanimada ayaa waxaa uu sheegay guusha ugu way ee siyaasadeed ee Soomaaliya ay gaarta 20 sano ee ugu dambeysay ay tahay in afartii sanaba mar doorasho la qabto.

” Haddii dalka Soomaaliya guul siyaasadeed la gaaray waxay ahayd in 4 sana-ba mar la qabto doorasho heshiis lagu yahay , doorashadaasi heshiiska lagu yahay-na qofkii ku soo baxa-na madaxwayne iyo hoggaan dal inuu yahay loola shaqeeyo, waa midda uu ku yimid maxamed Cabdulahi Farmaajo,” ayuu yiri Cabdikariin.

Waxaa uu farta ku fiiqay in madaxwayne Farmoojo aysan jirin cid diiddan, balse ” Jihu qaldan uu dalka u jeediyay.

“Cid diidan madaxwayne Farmaajo ma laha, cid neceb malaha, madaxweyne waa loo aqoonsan yahay laakiin isaga jihadii la rabay inuu dalka u jeediyo jiho aan ahyn u jeediyay, ayuu yiri Guuleed.

Daahir Maxamuud Geele oo isna ka mid ah musharaxiinta u tartameysa madaxwaynanimada ayaa sheegay in dowladda ay ka doonayaan qabashada doorasho xaq iyo xor ah.

Haddii anaga warkeena la dhageysan waayo waxaan u aragnaa dowladda in doorasho xaq iyo xalaal ah rabin iney doorashadii boobeyso , madaxwaynuhu-na uusan rabin uu doorasho galo, ayuu yiri Geelle.

Qaar ka mid ah hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa iyagu muddooyinkii dambe ay shirar uga socdeen magaalada Nairobi, si ay doorashada uga tashadaan.

Doorashada madaxwaynanimada Soomaaliya ayaa sida ku xusan heshiikii ay wada gaareen madaxwayne Farmaajo iyo madaxda dowlad goboleedyada waxaa lagu wadaa in la qabto bisha February ee sanadka soo socda.