Shan qodob oo ay maamul gobolleedyada ku diidan yihiin wada shaqeynta DF

Waxa ay dadku isweydiinayaan sababta ay maamul goboleedyadu u gadoodsan yihiin isla markaana xiriirka ugu jareen Dowladda Federaalka Soomaaliya. Si dadka Soomaaliyeed u fahmaan xaqiiqada ka danbaysa diidmada Dowlad Goboleedyada ee Dowladda Federaalka, waxaa lagama maarmaan ah inay ogaadaan arrimaha soo socda:

1) Dowlad Goboleedyadu waxay jecel yihiin inay u dhaqmaan sidii dowlad madaxbannaan!

Dowlad Goboleedyadu waxay had iyo goor jecel yihiin inay u dhaqmaan sidii dowlad madaxbannaan oo si toos ah ula tacaamusha caalamka intiisa kale. Waxay baalmaraan oo ay ku tuntaan qodobbo dastuuri ah oo dhigaya in dowladda dhexe ay leedahay masuuliyadda xiriirka arrimaha dibedda. Dowladda Federaalku, iyada oo ka duulaysa qodobbadaas dastuuriga ah, isla markaana dhawraysa sharafta iyo madaxbannaanida Soomaaliya ayay ka shaqaysay sidii dowladaha caalamka loogu qancin lahaa inay joojiyaan la tacaamulka tooska ah ee maamul goboleedyada, taas beddelkeedana ay arrimaha Soomaaliya uga danbeeyaan dowladda dhexe. Dowladda Itoobiya ayaa ka mid ha dowladaha sida tooska ah ula xiriiri jirey maamullada dalka, balse Madaxweyne Farmaajo ayaa arrintan kala hadlay RW cusub ee Itoobiya Mudane Abiy Axmed ka dib booqashadii uu ku yimi magaalada Muqdisho. Arrintaas ayaa walaac iyo walbahaar ku abuurtay madaxda maamul goboleedyada, oo sidii uu Mudane Xaaf, Madaxweynaha Galmudug, hore u qirtay “U qadhaabsi tegi jirey” dalka dibeddiisa.

2) Maamul goboleedyadu waxay u barteen hannaan maaliyadeed oo fowdo ah!

Maamul goboleedyadu waxay u barteen hannaan maaliyadeed oo fowdo ah inay kula tacaamulaan hay’adaha gargaarka bixiya iyo dowladaha lacagta ugu deeqa Soomaaliya. Dowladda Federaalka oo ka duulaysa midaynta hannaanka maaliyadeed ee waddanka ayaa fartay dhammaan hay’adaha iyo dowladaha deeqaha bixiya inay si toos ah ula xiriiraan dowladda dhexe, deeqahana ku soo hagaajiyaan. Dowladda ayaa dabadeed dajisay hannaan uu maamul goboleed kasta ku helayo saamiga uu ku leeyahay deeqaha uu waddanku helo. Arrintann ayaa ka caraysiisay madaxda maamul goboleedyada oo aan jeclayn in Soomaaliya ay yeelato dowlad dhexe oo ka soo baxda masuuliyadaha dastuuriga ah ee u yaalla. Taas beddelkeeda, madaxda maamul goboleedyadu waxay doorbidaan dowlad dhexe oo oo tamar daran isla kolkaasna aan awood u lahayn inay si buuxda u maamusho idil ahaan dalka.

3) Maamul goboleedyadu ma jecla isla xisaabtanka!

Maamul goboleedyadu waxay la qabsadeen nidaam isla xisaabtan la’aan ah oo ay siday doonaan u maamulayaan deegaanka hoos yimaadda iyo sidoo kale deeqaha ka soo gaara dalka dibeddiisa. Dowladda dhexe, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda ayaa bilawday qorshe lagu dabagelayo deeqaha iyo lacagta la siiyo maamul goboleed kasta, waxayna madaxda maamul goboleedyada ka dalbatay inay xisaab celin u soo gudbayaan Wasaaradda, si loo ogaado lacagtii la siiyey meesha ay ku baxday. Madaxda maamul goboleedyada ayaa dabadeed sida fiinta uga qayliyey tallaabadan, maaddaama oo ay lacagaha la siiyo u maamulaan qaab aan sharciga waafaqsanayn oo uu ku dheehan yahay musuqmaasuq iyo isdabamarin!

4) Madaxda maamul goboleedyadu waxay doonayaan muddo kororsi!

Waxa xusid mudan in badi madaxda maamul goboleedyada hadda gadoodsan sida Jubaland, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ay ku jiraan muddooyinkii ugu danbeeyey ee muddo-xileedkooda, isla markaana looga baahan yahay inay dhawaan doorasho cusub galaan. Madaxda maamul goboleedyadani waxay xaqiiqsan yihiin in shacabka deegaamadoodu ay ka daaleen musuqmaasuqooda iyo maamul xumidooda, isla markaana ay adag tahay inay dib ugu soo laabtaan xukunka. Sidaasi awgeed, qaabka ugu sahlan ee ay kursiga ku sii haysan karaan waa inay muddo korodhsi sameeyaan. Si haddaba tani aanay u suurtagelin, waxay talo ku jaangooyeen inay dowladda dhexe la diriraan maaddaama oo aanay raalli ka ahayn damacoogan sharciga baalmarsan. La dagaalanka ay dowladda dhexe ku bilaabeen iyo xiriirka ay u jareen waxay qayb ka tahay fulinta ajendahoodan qarriban.

5) Maamul goboleedyadu waxay khalad fahmeen nidaamka Federaalka!

Badanka waxaan maqalnaa madaxda maamul goboleedyada oo ku doodaya in dowladda dhexe ay ka soo horjeeddo nidaamka Federaalka, balse taas beddelkeeda, xaqiiqadu waxay tahay in maamul goboleedyadu ka dagaalamayaan in la helo dowlad dhexe oo guud ahaan dalka taladiisa looga danbeeyo. Sidoo kale, waxa xaqiiqo ah in maamul goboleedyadu khalad fahmeen nidaamka Federaalka ee uu waddanku qaatay, oo waxayba aaminsan yihiin inay u dhaqmi karaan sidii dowlad madaxbannaan oo aan hoos iman talada dowladda dhexe. Tusaale ahaan, dagaalka maamul goboleedyada ee ka dhanka ah dowladda dhexe waxa uu soo bilawday markii dowladda dhexe ay ka soo horjeesatey heshiis shirkadda Imaaraadka laga leeyahay ee DP World ay la gashay maamullada Somaliland iyo Puntland. Dowladda dhexe waxay shirkaddan ku eedaysay inay baalmartay shuruucda waddanka u taalla, isla markaana aanay soo marin dowladda dhexe oo ay masuuliyaddeeda tahay gelidda heshiisyada noocan ah. Cabduwali Cali Gaas, Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa dabadeed bilaabay inuu dowladda dhexe mucaarado, wuxuuna markiiba u safray dalka Imaaraadka, ulana kulmay madaxda dalkaas iyo kuwa shirkadda labadaba. Sidaasi awgeed, maamul goboleedyadu ma doonayaan in dowladdu xoogaysato oo ay si buuxda u jaangoyso talada dalka!

W/D: Cabaas Cali Xasan
Filimside@gmail.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid