Shaqaalaha garsoorka oo qaadacay imtixaan ay qaadi lahaayeen guddoomiyaha maxkamadda sare iyo xeer…

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shaqaalaha Garsoorka kana kooban xafiisyada kala: Maxkamadda Sare ee Dalka, Xafiiska Xeer-ilaliyaha Guud ee Qaranka, Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, Maxkamadda Gobolka Banaadir, Maxkamaddaha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa ka hor imaaday Imtixaan ay ku sheegeen inuu yahay Sharci daro ah oo ay qaadayaan Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaran iyo Garsoore Saalax Sh. Ibraahim Dhiblaawe oo ka tirsan Maxkamadda Sare.

Shaqaalahaan oo Maanta kulan ku yeeshay Muqdisho ayaa sheegay in imtixaankaan uusan waafaqsanayn Sharciga shaqaalaha Radiydka ee  Dowlada ee Lr. 11 soona baxay 5/12/2006 ee Qodobadiisa 13-aad iyo Xeerka Nidaamka Garsoorka ee soo baxay 1962 iyo Qodobka 109A Dastuurka KMG ee qeexaya In Dalacsiinta, Anshax Marinta, Shaqaalaha Garsoorka ay leeyihiin Golaha Adeega Garsoorka oo aan hadda dhisnayn Muddo 6 sano ah.

Shaqaalaha Garsoorka ayaa sheegay inaysan ka qeyb gelin doonin imtixaankaas ayagoo ku dhaqmayo Sharciga Shaqaalaha Rayidka Qodobkiisa 28-aad ee ee Sharci lr. 11 ee soo baxay 05/12/2006 oo  sheegaaya in shaqaalaha ay diidi karaan Amarrada aan sharciga waafaqsanayn ee soo saaraan Madaxdooda isla markaana ay ku  wargaliyaan meelaha ay ku haboon tahay.

Halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka kasoo baxay