Guddoomiye Mursal oo ka hadlay qorshaha cusub ee maqaamka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in Golaha Shacabka ay ka go’an tahay in uu hirgalo maqaam gaar ah, oo uu yeesho gobolka Banaadir.

Hadalka Mursal ayaa yimid toddobaad kadib markii gobolka uu matalaad ka helau Aqalka Sare, ayna hadda socdaan dadaallo la doonayo in gobolka uu maqam gaar ah ku yeesho nidaamka federaalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in aysan jirin dad ka horyimid in Muqdisho ay hesho matalaad rasmi ah, hase yeeshee hadallada qaar si kala duwan loo fasiray, waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay in Gobolka Banaadir si sharci ah uu matalaad ku helo.

“Qof walba oo muwaadin Soomaaliyeed ah xaq ayuu u leeyahay in uu ka hadlo arrinta bobolka Banaadir maadaama uu nasiib u helay inay noqoto caasimadda ummadda Soomaaliya, taasina waa waajib na wada saaran,” ayuu yiri Mursal.

“Qof lasoo istaagtay gobolka Banaadir xuquuq ma lahan ma jirto, kaliya waxaa la doonayaa in sharciga la waafajiyo, waxaan doonayaa in baarlamanka ay sidaas u fasiraan,” ayuu yiri Mursal.

Mursal ayaa sidoo kale sheegay in lasoo wadi doono islamarkaana aan ilaa laga helayo maqaam uu yeesho Gobolka Banaadir aan laga heri doonin, dadka diidanna la iska hor leexin doono.

Waxa uu ku baaqay in siyaasiinta Soomaalida ay tahay inay dhanka wanaagsan wax ka eegaan, oo mar walba aysan dhinaca xun wax ka fiirin.

Hoos ka dhageyso codka Mursal