Mahdi Guuleed oo weerar ku qaaday madaxda maamul goboleedyada (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa weerar culus ku qaaday madax maamul goboleedyada Soomaaliya, oo ay is-hayaan madaxda dowladda federraalka ah ee Soomaaliya.

Mahadi Maxamed Guuleed ayaa sheegay inaan la aqbali karin in xildhibaanada Soomaaliya shaqadooda ay la wareegaan 10 nin oo doonaya inay dalka ka noqdaan sharci-dejiyeyaal ah go’aamiya aayaha dalka.

Waxaa uu sheegay in marnaba aan la aqbali karin in baarlamanka kasta markii uu saddex sano shaqeeyo wixii ka dambeeya la yiraahdo albaabada haloo laabo, oo kadibna aayaha dalka ay la wareegn 10 nin, sida uu hadalka u dhigay.

”Ha aqbalina baarlamaanoow markii aad saddex sano jirtaan kala taga, ha aqbalina in 10 nin masiirka dadka matalaan, ha aqbalina in 10 nin sharci dejiye noqdaan iyo in 10 nin ay siyaasadda dalka hoggaamiyaan, balse ogaada in waxa ugu dambeeya ee loo laabanayo ay yihiin baarlamaanka,” ayuu yiri Mahdi.

Waxa uu ugu baaqay baarlamanka inay go’aan ka gaaraan doorashada dalka, iyo sidii loo qaban lahaa doorasho qof iyo cod ah, taasina ay dowladda ku taageereyso.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa hadalkaan ka sheegay munaasabad loogu mahad celinayay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee meel mariyay Xeerka Gobolka Banaadir uu matalaada ku yeelanayo Aqalka Sare taas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo madax goboleedyada ay dalbadeen in dowladda kala tashato doorashada dalka, islamarkaana aysan aqbali doonin go’aanada kasoo baxay baarlamanka ee la xiriira doorashada.

Hoos ka dhageyso codkiisa