Shaqaalaha Soomaalida oo maanta loo diiday inay galaan Xalane + Sawirro

Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqaalaha Soomaalida ah ee ka shaqeeya xarunta shisheeyaha ku sugan Soomaaliya ee Xalane, ayaan maanta shaqo gelin kaddib markii loo diiday in ay xeradaasi galaan.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha ayaa la arkayay iyaga oo tuban Banaanka hore ee Iridda laga galo Xerada Xalane, halkaas oo loo sheegay in aysan geleynin xerada gudaheeda.

Warar xog ogaal ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in arrintan ay ka dhalatay digniin dhinaca amaanka ah oo dhawaan loo diray shaqaalaha Qaramada Midoobey ee ka howlgala Muqdisho, taasi oo ku saabsan inay weerari ka dhici karaan magaalada.

Wararka ana helnay ayaa sidoo kale sheegay inay jirto cabsi laga qabo shaqaalaha Soomaalida ah ee halkaasi ka shaqeeya, taasi oo keentay in loo diido inay xarunta galaan, ayada oo amniga aad loo adkeeyey.

Todobaadkii hore Hay’adaha Qaramada Midoobey ee Muqdisho ayaa soo saaray farriin dhinaca amaanka ah oo ay ku sheegeen in Muqdisho ay ku jiraan Gawaari ay ka buuxaan Wlaxaha qarxa kuwaas oo lala beegsanayo dadka Ajanabiga ah, Xarumaha dowladda Soomaaliya iyo meelaha dadku ku badanyahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com