Shaqaalaha xafiiska hanti-dhowraha oo sameeyey arrin yaab badan markii xilka laga qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqalaha Xafiiska Hantidhowraha Qararanka ayaa sameeyey arrin yaab leh markii xilka laga qaaday Dr. Nuur Faarax Jimcaale.

Shaqaalaha Xafiiska Hanti dhowraha ayaa sameysteen xaflad lagu soo dhaweenayo xil ka qaadistii lagu sameeyey, waxayna halkaas ku qasheen ilaa seddex neef oo ay ku sheegeen inay tahay dabaal dag ku saabsan xilk ka qaadistiisa.

Shaqaalaha ayaa tilmaamay inay dhibaato badan ku qabeyn Hanti dhowraha qaranka, waxayna tilmaameen inuu ahaa nin aan laga shaqeyn karin xafiis uu maamule ka yahay.

Hanti dhowraha qarank ayaa ahaa nin kuleelka ka batay oo ka adkaan waayo inuu shaqaalaha xafiiskiisa qanciyo, taasoo ku noqotay caqabad weyn.

Mid ka mid ah shaqaalihii xafladda ka qeybgalay ayaa Caasimadda Online u sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin xilka ka qaadistii lagu sameeyey, waxayna u mahadceliyeen dowladda Soomaaliya.

Hanti dhowraha ayaa shaqada ka ceeriyey intii uu maamulayey xafiiska ilaa 12 shaqaale oo ka tirsanaa shaqaalaha rayidka, kadib markii ay ka hor imaadeen qorshooyin uu rabay oo ay ku tilmameyn inay ahaayeen wax sharci darro.

Xilligii dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud, gaar ahaan sanadkii 205 ayey markii 40 ka tirsan shaqaalaha xafiiska Hanti dhowraha ay dowladda u gudbiyeen dacwad ku saabsan Hanti dhowraha, iyagoo ku tilmaamay inuu yahay nin waalan oo aan xil u qalmin sida aad ka aqrisan karto Document-ga hoose oo ay heshay Caasimadda Online.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

 

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET