29.8 C
Mogadishu
Thursday, April 23, 2026

Dilkii loo geystay wasiir Cabaas oo lagu heshiiyey in lagu xaliyo xeer jajab beeleed iyo DF oo…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa hawada isku soo shareertay xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatay dilkii ilaalada Hanti dhowraha qaranka u geysteen wasiirkii howlaha guud ee dowladda Soomaaliya Cabaas Cabdullaahi Siraaji.

Haddaba si loo damiyo xiisadda ka dhalatay dilkaas beelaha ay kasoo kala jeedaaan Wasiirkii la dilay iyo Hanto dhowraha qaranka oo kala ah Habargidir iyo Digil iyo Mirifle ayaa go’aan ku gaaray inay arrintaan ku xaliyaan xeer jajab iyo hab qabiileed.

Siyaasiyiin ka baxsan labadaan beelood iyo kuwa kasoo jeedo ayaa dadaal dheer ku bixiyey in xiisadda ka dhalatay arrintaan si hoose loo xaliyo xabsigana lasii daayo arkartii wax dishay sidoo kalana dacawadda laga daayo Hanti dhowraha qaranka.

Wadahadalo  badan ka dib ayaa la isku afgartay in arrintaan lagu xaliyo hab qabiileed, waxaana lagu heshiiyey inay labada beelood yeeshaan kulamo xiriir ah oo arrintaan lagu xalinayo si loo damiyo xaaladda halista ah ee ka dhex taagan dowladda iyo Hanto dhowraha qaranka.

Laba ogo hadidi ay dowladda Soomaaliya wax ka ogtahay arrintaan iyo sida ay ku aqbali karto, balse haddii labada beelood ay isku afgartaan arrintana waxaa la filayaa inay madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha aqbali doonaan.

Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha ayaa go’ansaday inay xilka ka qaadan Hanti dhowraha qarnka oo ay ilaaladiisa dilka u geystaan wasiirka geeriyooday, waxaana xil ka qaadistiisa ka dhalatay muran bdan oo keentay in xabsi guri la geliyo Hanti dhowrqaha.

Maanta ayaa la filayaa inuu xilka wareejiyo kadib muran badan iyo amar kasoo baxay madaxweynaha oo nabadsugidda lagu amray inay si xoog ah xilka uga wareejiyaan.

Wixii warar ah ee arrintaan kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Inshaa Allah

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

 

- Advertisement -

Read more

Local News