Muxuu shirka London kaga duwan yahay shirarkii horey loo qaban jiray (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Todobaadka soo socdo ayaa la filayaa in magaalada London ee dalka Ingiriiska waxaa ka furmaya shir ay ka qeyb galayaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo xubnaha maamul goboleedyada dalka Soomaaliya.

Shirkaasi waxaa sidoo kale ka qeyb galaya madaxda beesha caalamka iyadoo si wadajir ah u furi doonaan madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha Ingiriiska iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxda Soomaalida ayaa sheegay in shirkaasi ugu horeyn uu kaga duwan yahay shirarkii hore in la dhaqan gelin doono si dhaqso ah dhamaan qodobada kasoo baxa shirka London ka dhacaya.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/Welli Gaas oo shalay ka dhoofay Garowe ayaa sheegay in shirka London uu sidoo kale kaga duwan yahay shirarkii hore in la doonayo dhismaha ciidamada qaranka Soomaaliya.

Waxyaabaha kale ee shirkan uu kaga duwan yahay shirarkii hore waxaa kamid ah in shirkan dowladda Soomaaliya ay la tagi doonto ka qaadista cunaqabateynta saaran Soomaaliya, iyadoo shirarkii hore aan lagu soo hadal qaadi jirin.

Madaxda Soomaalida ayaa rajo wanaagsan ka muujinaya shirka London waxayna sheegeen inay wax wanaagsan kasoo bixi doonaan.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET