Xildhibaan Jeesow oo sheegay cidda kaliya ee xilka ka qaadi karta hanti dhowrka Qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo laba kacleysiiyay dooda la xiriirta cidda awooda u leh inay xilka ka qaado hanti dhowraha qaranka Soomaaliya.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah guddiga amniga iyo arimaha gudaha baarlamaanka ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya kaliya ay xilka ka qaadi karaan Hanti dhowraha qaranka.

Wuxuu si cad u sheegay inay tahay arin dastuurka lagu baalmariyay xil ka qaadistii ay sameeyeen golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya, maadaama sida uu sheegay baarlamaanka kaliya ay xilka ka qaadi karaan.

Xildhibaanka ayaa u muuqdo mid  difaacaya Dr Nuur Faarax oo madaxweynaha uu ugu dambeyn xilka ka qaaday, isagoo sheegay in magacaabistiisii ay ansixiyeen golaha baarlamaanka xil ka qaadistiisana sidaasi oo kale baarlamaanka la marsiinayo.

“Tusaale markaan idiin sheego hanti dhawraha waa shaqsigii la xisaabtamayey xukuumadda, haddii ay ahaan lahaayeen wasiirada ama hay’adaha kala duwan ee dowladda, marka qof kula xisaabtamayo xil maba ka qaadi kartid, Baarlamaanka ayaa xilka ka qaadi karo dastuur ahaan.” ayuu yiri xildhibaanka.

Dr Nuur Faarax ayaa diidan xil ka qaadistii lagu sameeyay oo kusoo aday xili ilaaladiisa ay dileen wasiirkii howlaha guud ee xukuumada Kheyre.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET