Ciidamo galbinayay gaadiid ay la socdeen mas’uuliyiin oo la weeraray

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaal xoogan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Meyraaley oo ka tirsan degmada Raage Ceele gobolka Sh/dhexe.

Dagaalkaani oo geystay khasaaro kala duwan ayaa la sheegay inuu u dhexeeyay ciidamo ka tirsan dowlada oo galbinaayay gaadiid farabadan oo ay la socdeen mas’uuliyiin iyo Kooxo hubeysan oo jidka u galay.

Ciidamadaani galbinaayay gaadiidka ee dhexda loo galay ayaa kusoo jeeday magaalada Muqdisho, waxaana dagaalkaasi ku dhintay dhowr qof, halka dhowr kalane uu kasoo gaaray dhaawac.

Ciidamadaani ayaa lagu weeraray deegaanka Meyraaley oo ku taal xeebta badweynta Hindiya, waxana la xaqiijiyay in dagaalka uu socday ku dhawaad saacad iyo bar.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ilaa afar ruux oo kamid ahaa Kooxihii wadada u galay ciidamada galbinaayay gaadiidka, halka laba kalane laga dhaawacay.

Sidoo kale, Ciidamada dowlada ayaa waxaa dagaalka looga dilay hal askari, halka sidoo kale laga dhawacay Seddex kale.

Wadada marta xeebta badweynta Hindiya ee gobolka Sh/dhexe ayaa waxaa yaala isbaarooyin dhowr ah oo inta badan lagu weeraro ciidamada iyo mas’uuliyiinta maamulka Hirshabelle, waxa ayna wadadaasi noqoneysaa tan ugu halista badan.

Geesta kale, maamulka deegaankaasi ayaan weli ka hadal dagaalka dhexmaray ciidamada galbineysay gaadiidka iyo Kooxihii jidka u galay.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET