Maxaad kala socotaa howlaha uu Yuusuf Indha Cadde ka dhex wado Muqdisho?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Hogaamiye kooxeed hore Yuusuf Siyaad Indha cadde uu cirka kusii shareerayo dacwadaha is biirsaday ee loo heysto Hanti dhowraha guud ee Qaranka Dr Nuur Faarax Jimcaale.

Yuusuf Indha cadde ayaa la xaqiijiyay in magaalada Muqdisho uu ka wado shirar looga soo horjeedo Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo oo isagu ku dhagan Dr Nuur Faarax Jimcaale.

Shirarkaani uu Indha cadde ka dhex wado magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in qiil loogu sameynaayo Dr Nuur Faarax Jimcaale oo loo heysto kiiska dilka Wasiir Siraaji, diidmada xil ka qaadista iyo kiisas hor leh oo lagu soo oogay.

Ilo ku dhow dhow Hanti dhowraha ayaa laga soo xigtay in Yuusuf Indha cadde uu ka shaqeynaayo sida Hanti dhowraha looga dulqaadi lahaa kiisaska dacwada loo heysto.

Yuusuf Indha cadde ayaa sidoo kale la sheegay inuu wado qorsho beeshiisa ay Madaxweynaha ugu cadaadineyso in Dr Nuur Faarax Jimcaale loo daayo xilka, iyadoo wax kama jiraan laga dhigaayo xil ka qaadista Dr Nuur Faarax Jimcaale oo ay isku raaceen Golaha Wasiirada iyo aqbalaada Madaxweyne Farmaajo.

Yuusuf Indha cadde ayaa garab ka helaaya Wasiiro, Xildhibaano ka kala tirsan labada Gole iyo Odayaal dhaqmeed, waxaana suuragal ah in faragalinta Indha cadde ay cirka kusii shareerto kiisaska dacwada ah ee loo heysto Dr Nuur Faarax Jimcaale.

Lama oga sida uu xaalka noqon doono, waxaana muuqaneysa inay sii kordhayaan kiisaska loo heysto Hanti dhowrihii xilka laga qaaday Dr Nuur Faarax Jimcaale.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET