Safaaradda UK oo Xaaf gacanta ka saartay fiisihii uu ku aadi lahaa dalka Ingiriiska

Muqdisho (Caasimada Online) – Safaaradda Ingiriiska ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf gacanta ka saartay Fiisihii uu ku aadi lahaa dalka Ingiriiska si uu uga qeybgalo shirka.

Xaaf ayaa Magaalada Muqdisho u imaaday kadib markii uu shaki galay ka qeybgalka shirka London oo la sheegay in markii hore loo diiwaan geliyey inuu ka qeybgalo madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi.

Madaxweynaha Galmudug ayaa kulan Muqdisho kula qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna isku soo hadal qaadeyn arrinta ku aadan ka qeybgalka Shirka London.

Waxaa talo ahaan Xaaf loogu soo jeediyey inuu iska dhaafo ka qeybgalka shirkaas, maadaama markii hore madaxweyne ku xigeenka loogu diiwaangeliyey, balse arrintaas Xaaf wuu ku gacan seyray.

Wuxuu si toos ah Xaaf u wajahay safaaradda Ingiriiska ee Muqdisho halkaas oo uu kula kulmay safiirka, wuxuuna la wadaagay inuu doonayo ka qeybgalka shirkaas, maadaama uu isaga yahay Madaxweynaha Galmudug.

Dadaalka uu bixiyey Xaaf ayaa keentay in si deg deg loo siiyo maanta fiisihii uu ku aadi lahaa London, waxaana hadda xaqiiq noqotay inuu ka qeybgeli doono shirkaas.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET