Sawirro: Maxaa kasoo baxay shirkii xildhibaanada iyo odayaasha Habargidir ee Muqdisho?

Mudisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada iyo Odayaasha Beesha Habargidir ayaa kulan deg deg ah Maanta ku yeeshay Magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlayey arrimaha kusoo kordhay Beesha ee xil ka qaadsitii Hanti dhowraha qaranka iyo  Agaasimihii guud ee wasaaradda Warfaafinta.

Shirkaan ayaa waxaa kasoo qeybgalay inta badan xildhibaanada Beesha Habargidir, waxaana kamid ah Xildhibaanada kasoo qeybgalay :

Xildhibaan Warsame Joodax, Xildhibaan Bootaan Ciise Caalim, Xildhibaan  Ikraan Aadan Absuge, Xildhibaan Cabdicasiis, Xildhibaan Ubax Tahliil, Xildhibaan  Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan  Mahad Salaad, Xildhibaan Saciid Nuur Gariish, Xildhibaan  Saabir Nuur Lugeey,

Sidoo kale kulanka waxaa goob joog ahaa odayaasha Beesha Habargidir oo ay kamid ahaayeen: Axmed Diiriye Cali, Ugaas Cabdi Daahir, Garaad Qoor Weyne, Cabdi Maxamuud Dhabareey.wa

Xildhibaanada Beesha Habargidr ayaa kulankaas ka sheegay inay Madaxweyne iyo Ra’isulwasaaraha xal uga soo waayeen arrinta ku aadan xil ka qaadistii lagu sameeyey Hanti dhowraha qaranka iyo Bahlaawe, waxayna sheegeen inay masiirka beesha dib ugu soo celiyeen Odayaasha Beesha loona baahan yahay in laga tashto.

Dood dheer iyo wadatashi kadib waxaa shirkaas la isku afgartay in la sameeyo guddiyo isku dhaf ah oo ka shaqeeyo sidii Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha looga keeni lahaa xil ku aadan arrintaan, waxayna shirkaas ka sheegeen in meel looga dhacay sharafta Beesha Habargidir .

Kulankaan ayaa ahaa mid qarsoodi ah, waxaana loo diiday saxaafadda, balse xogtaan waxaa si gaar ah u heshay Caasimadda Online, wuxuuna kulankaas ka dhacay Hotel Sahafi International, waxaana lagu lafa guray sidii xal deg deg ah loogu keeni lahaa arrinta taagan.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET