Shaqsigii ka dambeeyey inay heshiiyaan Farmaajo iyo Cosbole oo la ogaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa dhawaan yeeshay kulan lagu xalinayey khilaafkii kala dhaxeeyey dowladda Soomaaliya kaasoo keenay in shaki la geliyo ka qeybgalkiisa shirka London ee dhawaan lagu soo gabagabeeyey Magaalada London.

Haddaba xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa muujinayo in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu kala shaqeeyey in labada Mas’uul wada kulmaan isla markaasna ay wada fadhiistaan.

Axmed Ducaale iyo Cosoble ayaa ah laba madaxweyne oo aad saaxiibo u ah, midaasna waxay Farmaajo u fududeyso inuu Xaaf dhex dhexaadiyo labada Madaxweyne, wuxuuna Xaaf Cosoble kasoo dhaadhacsiyey inuu la fadhiisto Farmaajo isla markaasna uu joojiyo mucaaradnimada.

Sidaas ayeyna ku suurta gashay in labada Cosoble iyo Madaxweyne Farmaajo ay wada fadhiistaan isla markaasna ay isla gartaan inuu cosoble ka qeybgalo shirka London.

Madaxweyne Xaaf ayaa labada Mas’uul qol isugu geeyey, wuxuuna u fadhiistay Banaanka hore isagoo ka codsaday Cosoble inuu wadahadalka dabciyo kana dambeeyo Madaxweyne Farmaajo, si fiican ayuuna Cosoble u aqbalay talada Xaaf oo ay saaxiibo isku dhinto yihiin.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET