Ujeedka iyo qorshaha safarka Farmaajo ee Masar oo la ogaaday

Muqdisho (Caasimada Online) –  Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa qorsheynaya safarkiisii sideedaad ee uu ku aadayo meel ka baxsan dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in todobaadkaan gudahiisa uu safar dalka dibadiisa ah ku tagaa magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaasi oo uu casuumaad rasmi ah ka helay, sida ilo xog ogaal ah inoo sheegeen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tagay dalka Masar isaga oo casuumaad ka heysta dowladda Masar, waxaana casuumaada u fidiyay madaxweynaha dalkaasi masar C/Fataax Al-siisi.

Caasimadda Online ayaa heshay xog ku saabsan qorshaha ka dambeeyo safarka Farmaajo uu halkaas ku tagayo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Masar u tagayo laba ujeedo oo kala:

1)  Inay Dowladda Masar Soomaaliya ka caawiso sidii loo dhisi lahaa ciidamada qaranka isla markaasna ay tabar siiso iyo qalab ciidan siiso dowladda, midaas oo kamid ah xoojinta xiriirka labada dowladood.

2) Farmaajo oo dacwad ka dhan ah Dowladda Imaaraadka Carabta u gudbin doono Madaxweynaha Masar, maadaama ay Imaaraadka ka baxday heshiisyadii ay wada galeen.

3) Sidoo kale labada madaxweyne ayaa isku soo hadal qaadi doono khilaafka Masar iyo Itoobiya ee ku saabsan webiga Niil.

Labadaas ujeedo ayaa ah kuwa ugu waaweyn ee uu Farmaajo u tagayo Dalka Masar, waxaana la flayaa inay labada Madaxweyne wax badan isku af gartaan.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET