Sharciga caalamiga ah iyo lacagta Imaaraatka ee ay isku hayaan Farmaajo iyo Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa si rasmi ah usoo dhoweysay raali-gelintii uu ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ka bixiyey lacagtii Imaaraadka Carabta looga qabtay garoonka Aadan Cadde, bishii April 2018.

Raali-gelintan ayaa waxaa lagu aqbalay bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta kadib markii dhaxal-sugaha Abu Dhabu Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan uu Abu Dhabi kula kulmay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ayaa sheegtay, in tallaabooyinka uu qaaday Rooble ay muujinayaan xiriirka qotada dheer ee taariikhiga ah ee u dhaxeeya labada dal, iyo ka mahad-celinta kaalinta taageero ee Imaaraatka ee dowladda iyo shacabka Soomaaliya.

“Wasaaradda waxay sidoo kale amaaneysa tallaabada Rooble iyo sida uu Imaaraatka Carabta ugu muujiyey inuu la dhacsan yahay taageeradeeda sanadaha badan ee ay siiso dalkiisa,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Lacagtaas oo dhan 9.6 milyan oo dollar ayaa Soomaaliya waxay xilligaas sheegtay in la doonayey in dalka lagu arbusho, balse safaaradda Imaaraadka ee Muqdisho ayaa ku dooday in loogu talagalay mushaharka ciidamadii Soomaaliya ee uu Imaaraatku tababarayey.

Sharciga Caalamiga ah iyo Lacagta Imaaraatka

Sida uu qabo Mudane Showqi Xayir oo ah falanqeeye arrimaha siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah, Heshiiska Caalamiga ah ee Viena ee xiriirka dublamaasiyadeed ee la saxiixay 1961-dii, qodobkii 27-aad wuxuu ka hadlayaa Qandiga Dublamaasiyadeed.

“Qodobkaasi ka hadlaya boorsada dublamaasiyadeed waxa uu si toos ah u caddeynayaa in waxa keliya ee boorsadaas lagu qaadi karo ay yihiin waraaqo iyo dukumendiyo , ujeedkuna wuxuu ahaa in maadaamaa xiligaasi uusan jirin xiriirka isgaarsiinta danabaysan in safaaradaha ay si xor ah oo aan farogalin lahayn waraaqaha iyo xogta ugu gudbin karaan wasaaradooda arrimaha dibedda,” ayuu yiri Showqi.

Waxaa la sheegay in lacagtii Imaaraatka ee Garoonka Aadan Cadde lagu qabtay ay ku jirtay qandiga dublamaasiyadeed, kaas oo uu heshiiska Viena qabo in aanan la furi karin, lana baari karin.

Hase yeeshee Shoowqi waxa uu qabaa in ay jirtay sabab macquul ah oo ay dowladda uga shakisay in waxa qandiga ku jiraaye aysan waraaqo ahayn, markii la fureyna laga heley lacag badan.

“Sharciga caalamiga ah waxa uu qabaa in maxkamadaha iyo sharciga dal aanan la marsiin karin hanti ay dowlad kale leedahay, keliya waxaa u furan in ay hayn karaan lacagtaasi intii sano ee la doono illaa inta ay labada dowladood ka gaarayaan is afgarad rasmi ag,” ayuu intaasi kusii daray Shoowqi.

Wuxuuse dhib ka arkaa in dowladda ku kala qeybsantahay arrinta lacagta, muhiimna ay tahay in dowladda ay go’aan mideysan ka gaarto arrinta lacagta, inta taasi ka horeysana ay adagtahay sidii lacagtaasi hal dhinac uu ku wareejiyo Imaaraatka.

Waxa kale oo uu Shoowqi u arkaa in ay quruxsanayd in looga dambeeyo wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, iyadana la macaamisho kiiska lacagta si la mid ah sida Imaaraatkaba yeeleen marka ay hadda ka hadleen arrinta lacagta.