FARMAAJO oo jug culus ay kasoo gaartay doorashadii Muqdisho iyo Garoowe

Muqdisho (Caasimada Online) – Afar kursi oo kamid ah kuwa reer waqooyiga ayaa shalay lagu doortay magaalada Muqdisho. Kuraastaan afartaba waxaa laga leeyahay degmada Seylac. Sidoo kale dhowr kursi ayaa shalay iyagana lagu doortay magaalada Garowe ee maamulka Puntland.

Kuraasta reer waqooyiga ee la doortay waxaa reer ahaan iyo talaba ku leh madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, kaas oo ay reerkiisu 8 kursi ku leeyihiin baarlamaanka Soomaaliya, gaar ahaan Golaha Shacabka.

Maalmahaan waxaa jiray loolan u dhaxeeyey madaxweyne Farmaajo iyo madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxaa la sheegay in kooxda madaxweyne Farmaajo ay isku dayday in aysan kuraastaan kusoo bixin dhammaan xubnaha uu xiriirka dhow kala dhaxeeyo Ismaaciil Cumar Geelle, balse waxaa la xaqiijiyey inay ugu dambeyn taas ku guul dareysteen.

8-da kursi ee reerka Ismaaciil Cumar Geelle ku leeyihiin Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya laba kamid ah ayaa horay loo doortay, waxaana kusoo baxay dadka Farmaajo ogol yahay, kuwaas oo sidoo kale uu soo bixitaankooda raali ka ahaa Ismaaciil Geelle.

Hase yeeshee afarta saakay la doortay waxaa la sheegay in 3 kamid ah uu Farmaajo rabay in la bixiyo dadkii ugu cadcadaa, kuwaas oo si weyn ugu xiran Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, balse damacii kooxda Farmaajo ma suura gelin.

Kuraasta laga doortay dhanka reer waqooyiga waxaa seddex kamid ah kusoo laabtay dadkii horay ugu fadhiyey, hal kursi ayuuna isbadal ku dhacay oo qofkii horay ugu fadhiyey uusan ku soo bixin.

Kursiga HOP#268 waxaa loo doortay Maxamed Cali Xagaa oo ah wasiir dowlaha wasaaradda gaashaandhigga ee dowladda federaalka ah, isaga ayaana horay ugu fadhiyey kursigaan, wuxuu ku jiray dadkii maalmihii ugu dambeeyey sida weyn u kala fogaadeen madaxweyne Farmaajo, xagga siyaasadda.

Kursiga labaad ee la doortay dhanka kuraasta Seylac waa HOP#267, Seynab Maxamed Caamir ayaa ku adkaatay tartankii loo galay kursigaan, iyadana ayaana horay ugu fadhisay.

Kursiga HOP#236 waxaa mar kale kusoo laabtay Cadnaan Cismaan Cilmi Boqore, kaas oo isaga horay ugu fadhiyey kursigaan. Ninkaan wuxuu kursigaan ka dhaxlay oo horay looga dilay Aabihiis Cismaan Cilmi Boqore oo mar soo noqday guddoomiye ku xigeenkii baarlamaanka Soomaaliya.

Kursiga HOP#269 waxaa kusoo baxay Cabdiraxmaan Maxamed Cumar, kursigaan waxaa horay ugu fadhiyey Maxamed Cabdullaahi Kaamil, waa kursiga qura ee uu isbadal ku dhacay qofkii ku fadhiyey, marka la eego kuraastii laga doortay dhanka reer waqooyiga.

Dhanka Puntland, iyadana waxaa shalay la doortay dhowr kursi. Kuraasta shalay lagu doortay magaalada Garowe waxaa kamid ahaa kursiga HOP#94.

Kursigaan waxaa loo doortay Sahra Cabdullaahi Cigaal, waxayna badaleysaa Prof. Axmed Ismaaciil Shabeel oo kursigaan ku fadhiyey shantii sano ee lasoo dhaafay.

Kursiga HOP#192 oo kamid ahaa kuraastii lagu doortay magaalada Garowe waxaa kusoo baxay Maxamed Faarax Nuux.

Kursiga HOP#121 oo kamid ahaa kuraastii lagu doortay Garoowe waxaa iyadana kusoo baxday Farxiya Yuusuf Cumar, Kursigaas waxaa horey ugu fadhisay Xildhibaan Canab Xasan Cilmi oo kamid aheyd xubnaha sida weyn uga dhex muuqday Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya shantii sano ee lasoo dhaafay.

Kursiga HOP#14 oo isna lagu doortay magaalada Garowe waxaa kusoo baxay Daa’uud Cabdikariin Sheekh Cumar, kursigaan waxaa horey ugu fadhisay Sacdiyo Careys Ciise taasoo kamid noqotay liiska uu Saciid Deni ka saaray Baarlamaanka.

Hoggaamiyaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa dhowr cod oo isaga loo tiranayo ka helay doorashadii ka dhacday magaalada Garowe.

Doorashada Golaha Shacabka ee baarlamaanka 11-aad ee Soomaaliya ayaa si xooli ah u socota wallow ay jiraan cabashooyin xooggan oo ka taagan sida loo maareenayo kuraasta, laakiin golaha wadatashiga qaranka wuxuu u muuqdaa inuu go’aansaday in si walbaba doorashada la dhameystiro oo aan loo istaagin cabashooyinka ka imaanaya qabaa’ilka iyo musharixiinta u taagan kuraasta la dooranayo.