Sharciga la dagaalanka argagixisada oo la horgeynaayo xildhibaanada BF

Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ayaa lagu wadaa in la horgeeyo sharciga la dagaalanka argagixisada.Xildhibaanada BF oo la horgeynayo sharciga la dagaalanka Argagixisada

Guddiga Difaaca baarlamaanka Federaalka ah ee Somalia ayaa sheegay inay dadajinayaan sharciga, si meesha looga saaro awoodaha argagixiso ee taagan.

Xoghayaha Guddiga Difaaca baarlamaanka Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo la hadlaayay saxaafada ayaa sheegay inay xooga saarayaan sidii xildhibaanada ay u horgeyn lahaayen sharciga la dagaalanka argagixisada, waxa uuna cadeeyay in sharciga uu mar waliba yahay middawo u ah quwada argagixisada iyo wixii la halmaala.

Xoghayaha Guddiga waxa uu ujeedka ku sheegay inay doonayaan in awood dheeraad ah ay helaan Hay’adaha amniga ee ku shaqeeya duruufaha kala duwan.

Waxa uu Xildhibaan Sadiiq carab dhabay in shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin amni, wuxuuna tilmaamay mar walba inaan loo baahneyn tacsi iyo baroordiiq.

Sidoo kale, Guddiga ayaa sheegay in xukuumada Somalia ay hordhigi doonaan fududeynta dhaqaalaha ku bixikara dadajinta sharciga oo ahmiyad gaara u leh dalka.

Tani ayaa kusoo beegmeysa xili dadka qaarkii ay qabaan in Xildhibaanadu ay caqabad ku yihiin amniga maadaama aysan go’aano ka qaadan amni darida jirta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com