Goormee la magacaabi doonaa taliyayaasha NISA iyo booliska Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan xogta ku helnay waxaa madaxtooyada Somalia ka socda ololo loogu jiro qabashada xilalka Wasiirka Gaashandhiga, Taliyaha Nabadsugida iyo Booliska oo banaan.

Ololaha socda ayaa waxa uu u dhexeeyaa mas’uuliyiin horay usoo kala qabtay Seddexda xil ee banaan iyo kuwo aan weli qaban xilalkaasi balse iminka ku taamaaya inay sameeyan isbedel dhanka amaanka ah.

Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa ku howlan la tashiyo ay kusoo xulayaan shaqsiyaadka ku loolamaaya xilalka faaruqa ah.

Farmaajo iyo Kheyre ayaa waxaa la xaqiijiyay in miiska ay u saaran yihiin ilaa Lix mas’uul oo intooda badan horay ugu soo fashilmay xilalka ay raadinayaan, sida laga soo xigtay mas’uul la socda dhaqdhaqaaqa madaxtooyada.

Warar hoose ayaa sheegaya in qorshaha uu yahay in shaqsiyaadka loo wado xilalkaasi la magacaabo maalinta Khamiista oo la filaayo inuu qabsoomi doono shirka Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia.

Sidoo kale, shaqsiyaadka ay wataan Farmaajo iyo Kheyre ayaa waxaa ku jira qurba joog, waxaana suuragal ah in caqabada dhanka amniga ah ay sii taagnaato.

Si kastaba ha ahaatee, Xilalka Booliska iyo Nabadsugida oo ah xilalka ugu weyn ayaa waxaa sanadkiiba loo magacaabaa dhowr qof, sababo la xiriira fashil dhanka amniga ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com