Ahmiyad intee la’eg ayey ansixinta sharciga maareynta maaliyadda u leedahay DF

Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Maaliyadda Xukuumada Federaalka ah ee Somalia Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, ayaa ku baaqay in Xildhibaanada baarlamaanka Somalia ay ansixiyaan Sharciga Maareynta Maaliyadda.

Wasiirka oo maanta hortagay Xildhibaanada Golaha shacabka, ayaa ka hor akhriyay Hindise sharciyeedka Sharciga Maareynta Maaliyadda oo Wasaaradda Maaliyadda ay soo diyaarisay, waxa uuna cadeeyay inay muhiimad gaara u leedahay xukuumada ansixinta Sharciga Maareynta Maaliyadda.

Waxa uu Wasiir Beyle sheegay in sharcigan uu yahay mid lagu hubinayo dakhliga Maaliyadeed ee DFS uuna yahay mid muhiim u ah Maaliyadda Qaranka, sida uu hadalka u dhigya.

Wasiir Beyle, waxa uu xusay in sharcigaasi uu xoojinayo Maaliyada iyo maamulkeeda wax badana uu kabadali doonno habka Maaliyadda Dalka, sida uu yiri.

Nuqul kamid ah haddalka Wasiir Beyle ayaa ahaa ”Waxaan qirayaa in sharcigan uu yahay sharci hagi doona Maaliyadda Dalkeena ee gudaha iyo dibada ka yimaada”

”Waxa uu sharcigan xoojinayaa Maaliyadda iyo Maamulkeeda, waxa uu qeexayaa awoodaha dadka ka shaqeeya Maaliyadda, waxa uu qeexayaa Wasiirka iyo Arrimaha Mas’uuliyaddiisa, waxuu qeexayaa shaqaallaha Bankiga iyo xaquuqdooda, waxuu ka hadlayaa Maamulka Lacagta iyo qorsheyaashiisa”ayuu yiri

Sidoo kale, ayaa sheegay in sharcigan xitaa uu ahmiyad gaara u yeelan doono xuquuqda dhammaan dadka u shaqeeya dowlada waxa uuna ku baaqay in si dhaqsi ah lagu meelmariyo.

Arrintaan ayaa kusoo beegmeysa xili Wasiir Beyle uu culeysyo kala duwan kala kulmay habka loo maareynaayo maaliyada dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com