Xildhibaanada dhaliilsan xil ka qaadistii Saacid iyo Sanbaloolshe oo kordhay

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa sii kordhaaya Xildhibaanada ka tirsan baarlamaanka Somalia ee aadka u dhaliilsan xil ka qaadista Taliyayaasha Hay’adda Nabadsugida iyo Booliska Somalia.

Xildhibaanada dhaliilsan xil ka qaadista Taliyayaasha ayaa sheegay in fashil ay sii horseedeyso xil ka qaadista degdega ah ee lagu sameeyay Sanbaloolshe iyo Saacid.

Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ah xoghayaha Guddiga Difaaca baarlamaanka ayaa sheegay in waxba aysan soo kordhineynin xil ka qaadistii dhawaan lagu sameeyay taliyeyaasha Nabad Sugida iyo Booliska.

Waxa uu tilmaamay in loo baahanyahay in wada shaqeyn dhab ah ay dhexmarto laamaha ammaanka iyo shacabka, waxa uuna xaqiijiyay in taageero shacab la’aanteeda aysan waxba hagaageynin.

Waxa uu sheegay in qaraxyo waliba oo dhacaa ay dowladu sameyso xil ka qaadis, waxa uuna tilmaamay in dhibaatada jirta ay tahay in xilkaasi loo dhiibayo mid aan waxba ka aqoon amniga.

Xildhibaan Warfaa, ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahanyahay in isla xisaabtan dhab ah ay la yimaadaan madaxda dowladda federaalka, si cidkasto oo mas’uuliyad heyso loola xisaabtamo.

Sidoo kale, Xildhibaan Xuseen Sheekh oo ka tirsan Aqalka Sare ee dalka, ayaa isna sheegay inay muhiim aheyd in la dib dhigo xil ka qaadista isla markaana Taliyayaasha lala shaqeeyo.

Wuxuu carab dhabay inaanu waxba soo kordhineynin xil ka qaadis joogta ah, waxa uuna cadeeyay in dhibta ugu weyn ay tahay habacsanaan dhanka ammaanka ah oo ka taagan magaalada Muqdisho, waxa uuna tilmaamay in Somalia aysan iminka laheyn Taliye Boolis iyo Mid Nabadsugid.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli dhawaan Golaha Wasiirada Xukuumadda Somalia ay xil ka qaadis ku sameeyeen Taliyihii Nabad Sugida C/laahi Maxamed Cali “Sanbaloolshe” iyo Cabdixakiin Daahir Saciid “Saacid”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com