Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo madax hore oo ay kamid yihiin Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid, Cabdiweli Sheekh iyo Shariif Xasan ayaa soo saaray bayaan ay ku xoojinayaan dadaallada ka dhanka xad-gudubka Itoobiya.
Bayaan ay si wada-jir ah usoo saareen madaxdaan ayaa waxay ku sheegeen in si adag uga soo horjeedaan heshiiskii Addis Ababa, kaasi oo xad-gudub ku ah gobannimada, madax-banaaniada iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.
“Waxaan si buuxda u garab taagannahay dowladda Soomaaliya, kuna taageeraynaa dadaallada ay ku ilaalinayso qaranimada dalka in lagu soo xad-gudbo,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay madaxdii hore.
Waxay uga digeen ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed inuu ka joogsado siyaasaddiisa qar iska-tuurnimada iyo daan-daansiga ku ah madax-banaanida Soomaaliya.
“Waa garawsanahay inay jiraan arrimo aan weli laga heshiin oo Soomaaliya iyo Waqooyiga Soomaaliya (Somaliland) ka dhaxeeya oo u baahan in ay Soomaalidu dhexdeeda xal uga gaarto miiska wada-hadalka. Nabad ku wada-noolaashiyaha dadka Soomaaliyeed ayaa ah muhiimadda ugu weyn oo ay tahay in ay diiradda saaraan hoggaamiyayaasha siyaasadda.”
Sidoo kale waxay ugu yeereen dadka Soomaaliyeed inay u midoobaan kuna garab istaagaan dowladdooda difaaca dalka hooyo si aan abid horay loo arag, “Waa muhiim xilligan la joogo in aan dhinac iska dhigno kala duwanaanshiyaheenna oo aan xoggeena iskugu geyno wanaagga guud iyo wax-u-tarka dalka.”
“Waxaan sidoo kale ku amaanaynaa dadweynaha, siyaasiyiinta iyo wax-garadka Somaliland sida geesinimada leh oo ay uga horyimaadeen heshiiskan uguna gacan seyreen damaca gurracan Itoobiya.”
Hoos ka aqriso bayaanka