Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa war xasaasi ah kasoo saaray weerarkii xooganaa ee ay shalay Al-Shabaab ku qaadeen saldhigyo ku yaalla deegaanka Cowswaye ee gobolka Galgaduud.
Weerarka oo ku billowday qaraxyo ayaa waxaa la rumeysan yahay in lagu laayay askar badan, sidoo kalena lagu qabsaday hub iyo gaadiid dagaal intaba.
Sheekh Shariif oo hadda ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa marka hore tacsi u diray ehellada saraakiishii iyo askartii lagu dilay weerarkaasi
“Waxaan tacsi u dirayaa ehellada ciidamadii iyo saraakiishii ku geeriyooday weerarkii argagaxisada Al-Shabaab ku qaadday deegaanka Cowswayne. Waxaan ilaahay SWT uga baryaynaa inuu u naxariisto geesiyaasha naftooda u huray difaaca dalkooda, dadkooda iyo diintooda” ayuu qoraalkiisa ku yiri madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif.
Intaas kadib madaxweynihii hore ee dalka ayaa dalbaday in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo qaabka loo maareeyay weerarkaasi, maadaama uu dhaliyay khasaare xoogleh.
Shariif ayaa si gaar ah uga dalbaday guddiga difaaca ee baarlamaanka Soomaaliya inuu daba-galo falkaas oo uu tilmaamay in lagu dilay askar badan.
“Waxaan ku baaqayaa in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo qaabkii loo maareeyey weerarkii argagaxisadu ku qaadday deegaanka Cowswayne, waxaan si gaar ah ugu baaqayaa guddiga difaaca ee BFS inuu baaris dhab ah ku sameeyo sidii weerarkaas ciidamada badan nooga baxeen u dhacay iyo saraakiishii u xil saarnayd aaggaas” ayuu raaciyay.
Sidoo kale Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadalkiisa sii wata ayaa boggaadiyay guulaha ay ciidamada Xoogga ka gaareen dagaalka Al-Shabaab, gaar ahaan qabashada Ceelbuur.
“Dhinaca kale waxaan bogaadinaynaa ciidamada xoogga dalka ee ku guuleystay dib u xoraynta degmada qadiimiga ah ee Ceelbuur iyo deegaannada kale ee hoos taga gobolka Galgaduud” ayuu ku soo gabagabeeyay qoraalkiisa madaxweynihii hore ee dalka.
Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo kooxda Al-Shabaab ay sheegasho culus kasoo saartay weerarka Cowswayen, waxayna tilmaamtay inay cagta marisay saddex saldhig oo ku yaalla halkaasi, isla-markaana ay qabsadeen hubkii iyo gaadiidkii yaalay halkaasi.
Sidoo kale waxa ay intaasi ku dartay inay dishay illaa 178 askari, sida ay ku sheegtay bayaanka ay soo saartay oo lagu baahiyay internet-ka.
Dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna dhankeeda guul ka sheegtay dagaalka ay la gashay Al-Shabaab, waxayna shaacisay inay ka hortageen weerarka ay ku soo qaadeen deegaankaas.