Laascaanood (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka SSC-Khaatuma Mudane Cabduqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo khudbad dheer jeediyay ayaa ka hadlay arrimo ku aadan dagaalka magaalada Laascaanood iyo guulaha ay ka gareen ciidanka deegaanka.
Cabduqaadir Firdhiye ayaa shaaca ka qaaday in dagaalkii ugu dambeeyay ay jab xoogan ku gaarsiiyeen Somaliland, isla-markaana ay nolosha ku qabteen illaa 280 maxaabiis ah, kuwaas oo ay ku jiraan saraakiil sar sare oo ku eedeysan dambiyo dagaal.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay in la haayo 42 dhaawac ah oo ay ku qabteen dagaalkii ka dhacay aagga xerada Goojacadde oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamada deegaanka.
Hoggaamiyaha SSC ayaa sidoo kale u jawaabay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, wuxuuna uga digay isku dayga uu mar kale kusoo weerarayo magaalada Laascaanood.
Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inay ka jawaabi doonaan duullaan kasta oo kaga yimaada dhanka Somaliland, balse inta ka horreysa ay is xakameyn doonaan.
“Muuse Biixi, weli waxaa muuqata in uu colaad u ooman yahay, laakiin waxaan leenahay ciidankii iyo dadkii casharka ku dhigay waa diyaar, laakiin marnaba anaga shacab duulaan kuma nihin” ayuu khudbaadiisa yiri hoggaamiye Cabduqaadir Axmed Aw- Cali (Firdhiye).
Ciidanka Somaliland ayuu sidoo kale ku eedeeyay in ay waxyaabaha qaraxa ku aaseen meelihii laga saaray, isaga oo dalbaday in laga gacan siiyo baaritaanka goobahaasi.
Dhanka kale wuxuu farriin u diray reer Laascaanood, gaar ahaan shacabka, isaga oo ugu baaqay in aysan kusoo laaban magaalada, maadaama uu weli sii socda dagaalka, si aysan waxyeelo uga soo gaarin dirirtaasi iyo sidoo kale duqeymaha xoogan ee barbar socda.
Ugu dambeyn wuxuu dowladda Soomaaliya ka codsaday inay garab istaagto SSC, ayna wax kala qabato burburka iyo dhibaatooyinka ka jira magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.