Maxaa kusoo kordhay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka?

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee ka socda Dhuusamareeb ayaa galay maalintiisii labaad, kaas oo u dhexeeyo dowladda federaalka, dowlad goboleedka dalka, marka laga tego Puntland iyo maamulka gobolka Banaadir.

Shirkan ayaa waxaa guddoominayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo muddo ku sugan caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb, waxaana sidoo kale ka qayb-galaya Ra’iisul wasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Guddoomiyaha gobolka Benaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Haddaba Maxaa kusoo kordhay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka?

Madaxweyne ku xigeenka Galmuudg Cali Daahir Ciid oo u warramay VOA ayaa faahfaahiyay shirka Golaha Wadatashiga Qaranka, maadaama uu galay maalintii 2-aad oo xiriir ah.

Ciid ayaa shaaca ka qaaday in shirkan ajenedayaashiisa ay ugu muhiimsan yihiin amniga dalka iyo dagaalka adag ee haatan lagula jiro kooxda Al-Shabaab.

“Ajendeyaasha shirka waxaa ugu muhiisan guud ahaan amniga waddanka oo ay ku jirto la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab iyo sidii dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay halganka u wada qaadi lahaayeen loona soo dhameystiri lahaa deegaanada ay waddanka Soomaaliya heystaan” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in madaxdu ay ka tashan doonaan sidii cunaqabateynta hubka looga qaadi lahaa Soomaaliya iyo bixitaan ciidamada ATMIS oo hadda billow ah.

“Qodobka saddexaad wuxuu yahay cunaqabateynta hubka iyo qaadisteeda, Qodobka afaraadna wuxuu yahay bixitaanka AMISOM iyo waqtigeeda” ayuu sii raaciyay.

Dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday deegaanadii u dambeeyay ee la xoreeyay, sida degmada Ceelbuur, isaga oo tilmaamay in laga wadahadlayo xasilintooda, sidoo kalena ay gurmad deg-deg ah gaarsiin doonto dowlad goboleedka Galmdug.

“Deegaanada gacanteena soo galay shaqo fiican ayaan ka qabanay gurmadkii ugu horreeyay berri ayuu gaarayaa, waana gurmad ay Galmudug gaarsiineyso Ceelbuur iyo dadkeeda” ayuu mar kale yiri wareysigaan ku yiri Cali Daahir Ciid.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee shalay ka furmay Dhuusamareeb ayaa kusoo aaday xili dowlada Federaalka Soomaaliya ay hormaro balaaran ka sameesay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab marka la eego Galmudug oo degmadii u muhiimsaneed ay kala wareegtay.