Dibad-baxyo ka dhici lahaa Muqdisho iyo Jowhar oo laga hortegay KADIB markii…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya iyo kuwa HirShabelle ayaa maanta ka hortegay dibad-baxyo la filayay inay ka dhacaan magaalooyinka Muqdisho iyo Jowhar, kuwaas oo looga soo horjeeday xariga Sheegow.

Muqdisho waxaa waddooyinka waa weyn saaka la soo dhoobay ciidamo ka tirsan kuwa Booliska, si ay hortegaan dibad-baxa Beesha Jareerweyne oo ka goodsan xarigga loo geystay Jeneraalkooda oo dhowaan lagu soo xiray dagaal ka dhacay degmada Dharkenley.

Ciidamada oo daadsan waddooyinka ayaa saaka lagu soo waabariistaan, taas waxa ay keentay inuu baaqdo dibadbaxii la filayay oo abaabulkiisa uu ka socday caasimada.

Xubno ka tirsan abaabulayaasha dibad oo aan la hadalnay ayaa innoo xaqiijiyeen inay baajiyeen banaanbaxooda, ayna u joojiyeen sababo amni dartood.

Dhanka kale, waxaa sidoo kale laga hortegay dibad-bax kan lamid ah oo ka dhici lahaa magaalada Jowhar, kadib markii ay howlgal sameeyeen Booliska HirShabelle.

Booliska ayaa soo qabqabtay ku dhowaad 100 qof oo u badan dhalinyaro, kuwaas oo ku howlanaa dibadbax looga soo horjeeday xarigga Jeneraal Sheegow Axmed Cali.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca saraakiisha laamaha ammmaanka oo ku aadan tallaabada ay maanta qaadeen.

Arrintan ayaa daba socota buuqa ka dhashay xarigga Janankan oo ay si weyn iuga carootay Beesha uu kasoo jeedo, kaas oo loo heysto eedeymo culus, sida ay sheegay dowladdu.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto arrinta Sheegow, balse waxaa loo badinayaa in sarkaalkan maxkamad lasoo taagi doono, si loo galo kiiskiisa.