Shariif oo Jowhar u jooga inuu laba arrin midkood u xaqiijiyo beesha Xawaadle

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Jowhar ee xarunta gobalka Shabeelada Dhexe, waxaana wafdigiisa kamid ah taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo siyaasiin kale.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu Jowhar u joogo in la qanciyo beesha Xawaadle oo diidan doorashada HirShabeelle, iyagoo ku doodaya in la duudsiiyay xuquuq ay lahaayeen.

Ka hor inta uusan Muqdisho ka bixin Sheekh Shariif, waxa uu la kulmay Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo ah Ugaaska guud ee beesha Xawaadle. Sidoo kale Ugaaska ayaa la kulmay Madaxweyne Farmaajo waxa uuna la wadaagay wixii ay ka wada hadleen isaga iyo Sheekh Shariif.

Caasimada Online ayaa xog ku heshay in Sheekh Shariif uu Jowhar ugu laabtay in Madaxweynaha uu ka yimaado Hiiraan, gaar ahaan Xawaadle ama in caasimada loo wareejiyo Hiiraan, si loo ilaaliyo nidaamka awood qeybsiga HirShabeelle.

Warar kala duwan oo soo baxaya ayaa sheegaya in Cali Guudlaawe ogolaaday inuu ka horo tartanka Madaxweynaha islamarkaana uu sii ahaado Madaxweyne ku xigeen halka wararka kale ay sheegayaan in Xawaadle ogolaaday inuu qaato Madaxweyne ku xigeen iyo Caasimada maamulka.

Wali ma jirto faah faahin rasmi ah oo ay dhinacyadu soo saareen hase yeeshee waxaa isa soo taraya wararka safarka Sheekh Shariif ee Jowhar.