Wararkii ugu dambeeyey doorashada Mareykanka oo u dhow in lagu kala baxo

Washington (Caasimada Online) – Tirinta codadka doorashada madaxweynaha Mareykanka ayaa weli socota, ayada oo labada musharax ay aad isugu dhow yihiin, hase yeeshee waxaa horeeya madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Mareykanka Joe Biden.

Haddii sida ay hadda wax u socdaan ay kusoo dhammaadaan, Biden ayaa kursiga Aqalka Cad ka tuuri doona Trump, waxaana saacadba saacadda ka dambeysa soo xirmaya waddooyinka uu Trump guul ku gaari doono.

Waxaan weli go’aan laga gaarin doorashada gobollada Wisconsin, Michigan, Pennsylvania, Georgia, North Carolina, iyo Nevada, kuwaasi oo tartanka aad la isugu dhow yahay.

Biden ayaa ku horreeya Wisconsin, Michigan, iyo Nevada, halka Trump uu hoggaaminayo Pennsylvania, Georgia, North Carolina. Haddii labada musharax ay ku kala guuleystaan gobolladaas ay kala hogaaminayaan, waxaa madaxweyne noqonaya Biden, sababtoo ah Trump wuxuu u baahan yahay in ka sokow saddexda gobol ee uu hoggaaminayo inuu sidoo kale ku guuleysto mid ka mid ah saddexda uu Biden ku horreeyo.

Codadka illaa iyo hadda harsan ee aan la tirin ayaa ah kuwa lagu soo diray boostada, waxaana lagu warramayaa inay u badan yihiin dadka ka tirsan xisbiga Dimoqraadiga ee Biden, taasi oo rajada Trump aad u yareyenysa.

Saadaashii ugu dambeysay waxay sheegeysa in Wisconsin iyo Michigan ay u muuqdaan kuwa u xaroon doona Biden, hase yeeshee waxaan weli kala caddeyn Nevada, taasi oo rajo kooban siineysa Trump.

Inkasta oo codadka harsan ee Nevada ay sidoo kale yihiin kuwa lagu soo diray boostada, haddana horreynta Biden ayaa ah mid aad u yar oo ah kaliya 7,000 oo codad, taasi oo rajo ah inuu soo qaban karo siineysa Trmp.

Weli ma cadda halka wax ku dhammaan doonaan, hase yeeshee waxay u muuqata in Biden uu ku dhow yahay in loo doorto madaxweynaha Mareykanka, inkasta oo tirinta codadka harsan ay qaadan karto dhowr maalmood oo kale.