Cabdi Xaashi oo hal sabab uga soo horjeestay gudiyada doorasho ee la magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa maanta ka horyimid guddiyada doorashooyinka iyo xalinta khilaafaadka ee uu ku dhowaaqay ra’iisul wasaaraha Somalia.

Warqad ka soo baxday xafiiska Cabdi Xaashi ayaa waxa uu ku shaaciyey sababta ku diiday dhismaha guddiyadaasi, isaga oo sheegay in laga tegay xubno uu u gudbiyey ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, si loogu daro xubnaha guddiyada doorashooyinka.

Xubnahaas oo afar ka koobnaa ayuu sheegay inay ahaayeen guddigii Somaliland ku matali lahaa doorashadda, hayeeshee uu ka tegay ra’iisul wasaaraha.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xubnaha guddiyada lagu dhowaaqay aysan metali karin Somaliland ama gobollada waqooyi, isaga oo shaaciyey in aan lagala tashan.

Cabdi Xaashi ayaa qoraalkan ogeysiiyey madaxweynaha, ras’iisul wasaaraha iyo dhammaan madaxda dowlad goboleedyada ka jira dalka.

Si kastaba arrintan ayaa ku soo aadeysa, iyada oo haatan khilaaf adag uu ka taagan yahay sida loo wajahayo doorashada xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee ka imaanaya dhanka gobollada waqooyi ee dowladda federaalka ku metalayo maamulka Somaliland.