WAARE dib ma isugu taagi doonaa xilka uu iska casilay ee madaxweynenimo?

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare ayaa faah-faahin dheeriya bixiyey maalin un kadib, markii uu iska casilay xilkii madaxweynaha HirShabeelle.

Waare ayaa ugu horeyntii sheegay in dowlad goboleedka HirShabeelle uu ku bixiyey dadaal badan, gaar ahaan sidii loo heli lahaa maamul leh amni iyo nidaam dhisan, balse ay socon weysay, kadib markii dad gaar ah lugaha jiideen, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu markii u horeysay shaaciyey inuusan aheyn musharax u taagan xilka uu iska casilay, isla markaana uu ka tanaasulay, maadama uu ku doodayo inuu xilka iska casilay iyada oo ay u harsan tahay muddo sanad ah.

Sidoo kale waxa uu saluug badan ka muujiyey hanaanka dhismaha maamulka HirShabeelle oo xiligan ay socdaan doorashooyinkiisu, isagoona xusay in dhag jalaq loo siin waayay dalab uu jeediyay oo ku aadana hakinta doorashooyinkaasi, si loo helo maamul heshiis lagu yahay.

“Neefa Xoolaha markii uu caatoobe oo Cudur iyo gaajo isugu darsamo heer wuxuu gaaraa maqaarkiisu ka qiimo badan yahay neefka oo dhan, marka Hir-Shabeelle waxaa hadda lagu dagaalamayo waa 45 Kursi ee taalla, tii horana ee 2016-kii saas ayay aheyd” ayuu yiri Waare.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle ayaa habeen hore ku dhawaaqay is-casilaadiisa, iyada oo warqadda is-casilaadda oo lasoo gaarsiiyey Caasimada Online uu ku sheegay in dhismaha maamulka cusub ee HirShabeelle lagu wado si deg-deg ah, taasi oo keeni karta xasilooni darro siyaasadeed.

Waxa uu xiligaas tusaale usoo qaatay in markii koowaad ee maamulkan la dhisayey oo ahayd 2016-kii la aas-aasay xilli dalka ku guda jiro doorasho federal, taasi oo keentay in xildhibaano aan tayo lahayn iyo maamul fadhiid ah, oo ay beelo badan cabasho ka qabaan lasoo dhiso.

Is casilaada Waare ayaa timid xili hal maalin un ay ka harsaneyd doorashada guddoonka baarlamaanka HirShabeelle oo maanta lagu wado inay ka qabsoomto magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaasi.