Maxay ka wada-hadleen Muuse Biixi iyo James Swan?

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa yeeshay wada-hadallo taleefanka ah, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo xasaasi ah.

Labada mas’uul oo muddo wada-hadlayey ayaa isla soo qaaday arrimo ku aadan go’aankii ay Somaliland ku hakisay wada-shaqeyntii kala dhexeysay hay’adaha QM.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka si gaar ah diirada loogu saaray sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka iyo macaamiilka ka dhexeeya labada dhinac.

James Swan ayaa sheegay inay muhiim tahay in dib loo soo celiyo iskaashiga ay lahaayeen hay’adaha Qaramada Midoobey iyo Somaliland, si hore loogu sii socdo.

Ilo ku dhow kulanka ayaa sidoo kale sheegay in Muuse Biixi uu ku adkeystay dhankiisa shuruudihii uu horey u soo bandhigay ee ahaa in sida dal oo kale loola macaamilo.

Somaliland ayaa dhowan ku dhowaaqday inay deegaanada ka mamnuucday dhammaan hay’adaha hoostaga QM iyada oo ku eedeysay inay ka amar qaataan dowladda Somalia.