CC SHAKUUR: “Wixii shalay dhacay waxay tijaabo u tahay Ra’iisul Wasaare ROOBLE”

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka mid ah musharaxiinta sanadkan u tartameysa xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa war ka soo saaray boor uu ku dheganaa sawirkiisa oo laga jeexjeexay, kaas oo uu ku soo bandhigaayey musharaxnimadiisa.

Cabdiraxmaan ayaa arrinkaas ku eedeeyey ciidanka koofiya casta ee ilaalada madaxtooyada Soomaaliya, isagoo si weyn ugu dhaleeceeyey madaxweyne Farmaajo.

“Waxaan canbaareynayaa gabood falka ay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada ku fujiyeen boor ku dheganaa ka soo horjeedka xarunta Baarlamaanka, oo lagu soo bandhigay sawir muujinaya musharraxnimada xilka Mdaxweynimo ee aan sannadka 2021-ka u taaganahay,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo qoraalkan soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in ciidanka boorarka jeexjeexay laga soo amray Villa Somalia.

“Ciidanka ayaa shirkaddii boorarka lahayd u sheegay in uu amar kaga yimid Madaxtooyada,” ayuu qoraalkiisa ku yiri.

Cabdiraxmaan ayaa intaas ku sii daray, “Naguma cusba dulqaad la’aanta musharrax Madaxweyne Maxamed Farmaajo, waxayse tani tijaabo ku tahay Ra’iisul Wasaare Rooble oo ay masuuliyad ka saaran tahay xaqiijinta loolan ay u simanyihiin musharraxiinta xilka u tartamaya ee u Madaxweyne Farmaajo ka mid yahay.”

Cabdiraxmaan ayaa su’aal geliyey sida madaxweyne Farmaajo oo sawirradiisa u adkeysan waayey uu doorashada ugu dul qaadan doono.

“Haddii uu musharrax Farmaajo xammili karin sawir xayeysiin ah, sidee buu tartan doorasho ugu adkaysan karayaa. Tani waxay cashar horu dhac ah u tahay waxa uu maagan yahay musharrax Madaxweyne Maxamad Farmaajo,” ayuu yiri.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ah hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa taageerayaashiisa iyo musharaxiinta kale ugu qaabay in arrintaas ay meel uga soo wada jeestaan, isla markaana laga dhiidhiyo.

“Waxaan ugu baaqaynaa taageerayaasheyada, musharraxiinta kale, saxaafadda, bulshada rayidka iyo waxgaradka Soomaaliyeed in ay falkan gurracan si isku mid uga dhiidhiyaan” ayuu qoraalkiisa ku soo gaba-gabeeyey.