Xog: Shariif ma wuxuu weji cusub u yeelay doorashada madaxweynaha HirShabelle?

Jowhar (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran Sheekh Shariif Sheikh Axmed ayaa Jowhar ka wada galaangal siyaasadeed oo wejii cusub u yeeli kara siyaasadda HirShabeelle

Ilo-wareedyo ku dhow Shariif ayaa sheegay inuu Jowhar u joogo sidii uu u dhammeyn lahaa tabashada qaar ka mid ah beelaha HirShabeelle, oo uu ku eedeeyey inay iska horkeentay dowladda federaalka.

Xubnaha Madasha Xisbiyada Qaran ee ku dhow Shariif ayaa sidoo kale sheegay inuu doonayo inuu ka hortago qorshaha dowladda ee ah in HirShabeelle uu kasoo baxo madaxweyne taageersan.

Dowladda ayaa la rumeysan yahay inay wadato madaxweyne ku-xigeenka HirShabeelle Cali Cabdullaahi Guudlaawe, hase yeeshee xubnaha Shariif ku dhow ayaa sheegay inuu jiro musharax qarsan oo ay dowladda wadato.

“Qorshaha dowladda wuxuu ahaa in loo muujiyo Guudlaawe inuu yahay ninka ay wadato si loogu aamusiyo mucaaradka Madasha oo badankood ku beel ah, si aysan uga hadlin hanaanka doorashada, kadibna marka doorashada la gaaro ay lasoo baxdo musharax kale,” waxaa sidaas yiri qof ku dhow Shariif.

Musharaxa kale ayay ku sheegeen inuu yahay Nuur Iidow Beyle oo kasoo jeeda beesha Xawaadle.

Xubnaha ku dhow Shariifka ayaa sheegay inuu hadda doonayo inuuka hortago qorshahaas, islamarkaana xaqiijiyo inuu madaxweyne noqdo Guudlaawe.

Shariifka ayaa waxaa socdaalkiisa Jowhar ku wehliya taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe, waxaana la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaalka lagu qancinayo beesha Xawaadle inay ogolaato Guudlaawe.

Xubno ku dhow Villa Somalia oo ay la hadashay Caasimada Online ayaa sheegay inaysan wax u jirin sida ay u dhigayaan Madasha Xisbiyada Qaran, islamarkaana ay taageersan yihiin Cali Guudlaawe.