Shariif oo shaaciyey ballan uu ka baxay FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa banaanka keenay balan ka bax uu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku sameeyay Xasan Sheikh Maxamuud oo doorasho uu kaga guuleystay sanadkii 2017.

Shariif Sheikh Axmed ayaa sheegay in balantaasi Madaxweyne Farmaajo uu qaaday kadib markii ay ku kulmeen magaalada Garowe ee xarunta Puntland, halkaasi oo ay ka dhaceysay xafladii Caleemo saarka madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Arinta kulanka ayaa ka dambeeyay kadib markii madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheikh Maxamuud lagu eedeeyay inuu waday olole xoogan oo lagu duminayo dowladda Madaxweyne Farmaajo uu hogaamiyo.

Sheikh Shariif ayaa sheegay inuu ka shaqeeyay in magaalada Garowe uu ku kulansiiyo Farmaajo iyo Xasan Sheikh, islamarkaana halkaasi madaxweyne Farmaajo uu ku balanqaaday inuu kulan gaar ah la yeelan doono Xasan Sheikh.

“Waxaa Rabaa inaan idinkaga sheekeeyo arrin dhacday aniga iyo Madaxweyne Xasan sheekh-na na dhex martay waagii aan joognay Garowe, waxaa lagu xaman jiray inuu rabo inuu dowladda rido, gaar ayaan ula baxay waxaan ku iri: sidee wax u jireen.., wuxuu i yiri: waxba kama jiraan, gacanta ka qabtay waxaana u geeyay Madaxweyne Farmaajo”

“Waxaa iri Madaxweyne ninkaan wixii lagu xamanayay waa beeniyey, wuxuu ogol yahay in labadaada sano dhammeysto… laakiin wuxuu rabaa cabashadiisa inaad dhageysato, waa yahay ayuu yiri, waana balameen, laakiin ilaa iyo hadda la isma arkin…” ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Markale Sheikh Shariif ayaa weerar ku qaaday madaxweyne Farmaajo, isaga oo sidoo kale dhaliilay dadka marka hogaanka ay qabtaan iska fogeeya inay dadka kale la kulmaan.

“Marka qofka Soomaaliga la doorto, jini ayaa ku dhaca, jinnigaas waxaa la yiraahda, anaa la i doortaye maxay rabaan dadka..? War fariista. Aaamusa, laakiin muddo haddaa joogto waxaad ogaaneysaa inaad tahay qofka ugu daciifsan, maxaa yeelay culeys kasta adiga ku saaran yahay..” ayuu yiri Shariifka oo xaaladda dowladda hadda jirta ku tilmaamay in waxqabadkeedu liito.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com