Go’aanka Kenya ee Somaliland oo muujinaya arrin aan lagu baraarugsaneyn oo ku saabsan DF

Go’aanka dowladda Kenya ee ah inay xafiis diblomaasiyadeed oo aan hoos iman safaaraddeeda Muqdisho ka furaneyso magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, waa astaan kale oo muujineysa fashilka siyaasadda arrimaha dibedda dowladda federaalka..

Qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa lagu soo jeediyey in Githiora Philip Mundia uu aas-aaso howlgalka diblomaasiyeed ee Kenya uga wakiil noqon doona Somaliland. Githiora Philip Mundia ayaa hadda sugaya aqbalaadda madaxweyne Uhuru Kenyatta, si uu u tago Hargeysa.

Wargeyska The Standard ee Kenya waxa uu tani ku macneeyey inay astaan u tahay in Nairobi ay ugu dambeyn aqoonsan doonto jamhuuriyadda iskeed isku magacwoday ee Somaliland.

Dowladda Soomaaliya ee Muqdisho ayaan wax war ah weli kasoo saarin arirntan, oo muuqata gef ay Kenya ku sameeneyso qarannimada Soomaaliya, xilli xiisad ay u dhaxeyso labada dhinac.

Waxaa sidoo kale yaab leh, in dowladda federaalka ay isha un ka daawaneysay dadaal maamulka Somaliland uu waday 10 bilood oo ahaa inuu dowladda Kenya ku qanciyo inay safaarad ku yeelato Hargeysa, kaasi oo hadda miro dhalay.

Kenya iyo Soomaaliya ayaa xiriirkoodu xumaaday wixii ka dambeeyey murankii ka dhashay badda Soomaaliya, waxaana tallaabadan ay u muuqataa cadaadis aargudasho oo xukuumadda Nairobi ay saareyso Muqdisho.

Dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa tan iyo markii ay xukunka la wareegtay waxay siyaasaddeeda arrimaha dibedda ahayd fashil uu mar walba mid kale kasii dambeeyo.

Sanaddii 2017, waxay sameysay gef weyn oo ay muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Cabdikariin Muuse Qalbi-Dhagax ay ugu gacan gelisay dowladda Ethiopia kadib cadaadis kaga yimid Addis-Ababa.

Isla sanadkaas, waxay dowladaha Carabta ee Imaaraadka iyo Sacuudiga oo saaxiibo dhow la ah Soomaaliya, islamarkaana xiriir ganacsi oo weyn uu kala dhaxeeyo ay kala safatay dowladda Qatar, oo wax dan ah aysan ku qabin Soomaaliya.

Dhammaadkii 2018, waxay dalka ka cayrisay ergeyga QM ee Soomaaliya Nicholas Haysom kadib markii uu ka hadlay shacabkii ay ciidamada dowladda ku xasuuqeen magaalada Baydhaba.

Cayrinta Haysom, ayaa waxay dhaawac dhaqaale oo culus gaarsiisay dowladda, kadib markii dalalka Yurub ay dhaqaalaha ka jarteen, taasi oo horseeday in ciidamada ay shan bilood mushahar la’aan noqdaan.

La-yaab ma lahan iminka, in 10 bilood ay Somaliland dadaal ugu jirtay in Kenya ay xafiis ka furato Hargeysa, dowladdana aysan marnaba ku baraarugin, ama ay wax ka qaban weysay, welina aysan ka hadal xitaa kadib go’aankii Kenya.

W/Q: Istar Cali Mataan
Toronto, Canada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid