Suldaanka guud ee beelaha Somaliland oo ka hadlay madaxtooyada cusub ee uu dhisayo Muuse Biixi

Hargeysa (Caasimada Online) ― Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa talooyin muhiima usoo jeediyey Madaxweyne Muuse Biixi, wuxuuna ugu baaqay Biixi inuu bulshada reer Somaliland ugu adeego cadaalad.

Suldaan Maxamed Cabdiqadir ayaa sidoo kale ka hadlay go’aanka ay wada gaaren xisbiyada Kulmiye iyo Ucid, wuxuuna yiri “Go’aankan la gaaray maaha mid cadaalada oo soconaya, go’aan xisbiyadu ku wada socdaan in la gaaro ayaa loo baahan yahay, laakiin maaha inay kala socdaan oo kala fogaadan, Komishanka laftiisa ayaan cadaalad ku dhisnayn, maxaa yeelay shan xubnood waa Kulmiye, aniguna waligayba Komishanka waan ku kacsan-nahay ee ha la simo oo xisbiyadu ha u sinaadan”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Golaha Guurtida laftoodu muddo dhaaf weeye, in la kala diro oo la soo doorto Guurti cusub weeyi, cidda soo xulaysaana waa Salaadiinta, maxaa yeelay Salaadiintu ninka wanaagsan iyaga ayaa garanaya, Guurtidu nabadna wey keentaa, fidnana wey keeni karta, markaas Guurti cusub baynu u baahan nahay”.

Suldaanka ayaa sidoo kale ka hadlay Madaxtooyada Cusub ee Xukuumada Muuse Biixi ka dhisaneyso, wuxuuna yiri “Madaxweynayaashii hore waxba wey qaban kari waayeen, laakiin Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu keenay kalsooni iyo firfircooni, Madaxtooyadana suuqa dhexdiisi ayey noqotay, laakiin anigu waxaan u arkaa inay haboon tahay inay meel gaar ah deganaato, oo Madaxtooyadu ka baxsanaanto Magaalada dhexdeeda, oo meelaha u dhaw oo dhan Madaxtooyada aan laga dhisin wax dhismo ah”.

“Dad ayaana deganaa dhulkan loo asteeyey in Madaxtooyada laga dhiso, ee Madaxweynaha waxaan leeyahay si fiican dadka ula macaamil, madaama tahay Madaxweynihii Somaliland, dadku waxay leeyihiin Muuse Biixi waxaad mooda inuu taliskii Ciidanka afraad la odhan jiray inuu wali xukumayo, ee anigu waxaan leeyahay Madaxweynuhu waa Madaxweynihii Somaliland cod shacab baa lagu doortay, ee ha la tixgaliyo”.

“Markii uu Madaxweynuhu taliska afraad uu joogay halgan baa lagu jiray, waxkasta oo yimaadana inuu garabka ku dhufto waa loo baahnaa, laakiin hadda waa inuu mar walba danta qaranka eega, dadkaas degana halka laga dhisayo Madaxtooyadana waa in dhulkooda loo qiimeeyaa, oo waxay xaqa u yeeshan la siiya, si fiicana loo baashira, laakiin maaha xadhig iyo cadaadis in lagula kaco”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com