Hay’adaha caalamka oo saddex qeyb u qeybiyey nabadgelyada Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed ayaa markii uhoreysay shaaca ka qaaday in Hay’adaha ajaanibka ah ee ka howl-gala gudaha Somaliland, ay u kala qeybiyeen nabadgelyada deegaanadooda saddex qeybood.

Wasiir Maxamed Kaahin ayaa sharaxaad ka bixiyey qaabka ay Hay’adaha ajaanibku Somaliland ugu kala qeybiyeen Saddex qeybood, wuxuuna yiri:

“Qolada Ajaanibka ah markaan ku idhaahdo waxa loo baahana yahay inaad tagtaan Ceerigaab, Laascaanood, waxay ka hadlaan nabadgalyo darro, subaxdii Hargeysa ayay ka shaqo tagayaan oo Boorama ayay u shaqo tagaan, way seexdaan oo markay shaqadooda dhamaystaan ayay ka yimaaddaan”.

“Saddex qaybood ayay dalka u kala qaybiyeen, Waa Cagaar, Cassaan iyo Huruud, Cagaarka waxay u yaqaanaan nabadgalyo, waad tagi kartaa waadna seexan kartaa oo Maalgelin baad ku samayn kartaa, Huruudda waxay u yaqaanaan waad tagi kartaa, waad ka shaqayn kartaa, laakiin ma seexan kartid, Casaanka waxay u yaqaanaan ma tagi kartid, waxba kama samayn kartid”.

Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Tusaale, Caynabo illaa Sanaag bari Biyahoodu waa qadhaadh, Ceel Af-weyn baa Ceelal badan laga qoday, laakiin waxa loo doonay in Ceel af-weyn biyaha looga soo qaado meel la yidhaahdo ilad oo Ceel Af-weyn 42KM u jirta, mashruucii markii la sahamiyey ee la dhameeyay, biyihii la qiyaasay in deegaanka Ilad iyo illaa Ceel Af-weyn ku filan yihiin, Beebkiina halkii la soo dhigayey ay keeneen ayaa Ceel Af-weyn la isku dilay”

“Saddex jeer ayuu Mashruucaasi gubtay, Waayo? Mashruuc walba xilligiisa hadduu socon waayo wuu gubanayaa, waayo? Waa qaadhaan ay dawlado bixiyeen oo ay eegtaan, markaa waxa keliya ee aynu u baahan nahay waa nabadgalyo”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com